HomeAll newsAl-Shabaab oo NFD Ka Fuliyay Weerar Khasaare Dhaliyay.

Al-Shabaab oo NFD Ka Fuliyay Weerar Khasaare Dhaliyay.

Ciidanka milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliyay dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya heysato gaar ahaan agagaarka Wajeer.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa soo sheegeysa in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gubeen xarunta shirkadda Safaricom oo ay leedahay xukuumadda Nairobi.

Halka uu weerarku ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Dhasheekh, waana degaan ay dhowr jeer oo hore hawlgallo kala duwan ka fuliyeen ciidanka Xarakada Al-Shabaab, wuxuuna 20km u jiraa Wajeer.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in ay dagaalyahanadeeda weerar ka fuliyeen saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen degaanka Lafey, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular