Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta holwgal gaar ah oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen xildhibaan hore oo katirsanaa DF.
Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay xaafadda Ceel-Qalow oo ku taalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Ibraahim Saalax oo ahaa xildhibaan hore oo katirsanaa golaha baarlamaanka DF ee xilligii Farmaajo ayaa lagu dilay holwgalkaan gaarka ah ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabmaanta ka filiyeen magaalada Muqdisho.
Sawirka xildhibaanka oo ay madaxa faashad uga duuban tahay, islamarkaana dhiig badan ka muuqdo ayaa lagu baahiyay baraha Internet-ka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa marar baan Magaalada Muqdisho sidaan oo kale ugu beegsatay masuuliyiin hadda xilal hiyaha iyo kuwa hore oo katirsanaa DF.