Duullaanka uu Maamulka Yahuudda ku qaaday magaalada Qaza ayaa galay maalinkii 86-aad oo xiriir ah, iyadoona Jiidda Qaza ay wali marti galineyso iska hor-imaadyada culus ee udhexeeya kooxaha Muqaawamada Filastiiniyiinta iyo ciidamada Maamulka Yahuudda.
24-Kii Saac ee lasoo dhaafay waxa uu Kayaanka SUhyuuniga ah ku kacay xasuuqyo foolxun oo ka dhan ah ehelkeenna ku sugan Jiidda Qaza, kuwaas oo ay ku shahiideen tobannaan ruux oo abriyo ah, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, taas oo ay sii dheer tahay burburka guryo badan iyo xarumaha danta guud ee bulshada loogu adeego kuna yaalla Jiidda Qaza.
Ila wareedyo caafimaad oo ku sygan magaalada Qaza ayaa saxaafadda u sheegay, in ugu yaraan 64 ruux ay shahiideen 186 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha maaamulka Yahuudda maalin guhaheed ay ka geysyeen degaanno dhaca bartamaha magaalada, kuwaas oo ay sidoo kale ku burburiyeen 2 masjid oo halkaasi ku yiillay.
Xaafadda Sheykh Ridwaan ee ku taalla magaalada Qaza waxaa laga soo sheegayaa iska hor-imaadyo aad uculus oo u dhexeeya cidamada Kayaanka Suhyuuniga ah iyo kooxaha Muqaawamada ee Filastiiniyiinta, kuwaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 20 askari oo katirsan ciidanka gumeysiga.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin_Duullaanka_Yahuudda_ee_Qaza_oo_galay_Maalinkii_86_aad