Maamulka Yahuudda ayaa wali sii wada duqeymaha iyo duullaanka gardarro ee uu ku hayo muslimiinta ku dhaqan magaalada Qaza, kaas oo galay maalinkii 85-aad oo xiriir ah, iyadoona kooxaha muqaawamada ay saacadihii lasoo dhaafay fuliyeen weeraro kala duwan.
Degaanno badan oo dhaca Jiidda Qaza ayaa laga soo tabinayaa duqeymo sababay shuhada iyo dhaawaca tobannaan ruux oo rayid ah, iyadoona burburka dhismayaasha hoostooda lagu la’yahay dad badan.
Ugu yaraan 12 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen duqeymaha uu maamulka Yahuudda ka geystay nawaaxiga isbitaalka An-Naasir ee ku yaalla magaalada Qaza, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Dhanka kale Weerar kamiin ah oo lagu laayay askar katirsan ciidanka Yahuudda ayaa ka dhacay xaafad katirsan magaalada Qaza, kaas oo sidoo kale lagu gubay gaadiid ay wateen ciidamada Kayaanka Suhyuuniga ah.
Kooxaha Muqaawamada ayaaa shaaciyay in ugu yaraan 10 kmaid ah ciidamada Yahuudda ay ku dileen weerar xooggan oo kamiin ah, kaas oo ay ka fuliyeen xaafadda At-Tufaax ee dhacda bariga magaalada Qaza, ayna ku gubeen gaari nuuca ciidanka qaada ah oo ay lahaayeen askarta kamiinka ku dhacday.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Dagaalka Qaza oo galay maalinkii 85-aad.