Diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaanno Drones-ka ayaa weerar ku qaaday, saldhigga ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin nawaaxiga garoonka Arbil ee ku yaalla gobalka Kurdsitan ee dalka Ciraaq.
Weerarkaan waxaa ku dhintay hal askari oo ciidanka dowladda Ciraaq ah, iyadoona ay ku dhaawacmeen 3 kamid ah ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa dhalhigga, taas oo ay sii dheertahay dhaawacyo soo gaaray maleeshiyaadka Xashdu Shiiciga ee dalka Ciraaq.
Dowladda Mareykanka oo inta badan qarisa khasaaraha ciidankeeda ku gaaraya weerarada lagu qaado saldhigyada ay ku leeyihiin dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaanan ka hadlin weerarkaan cusub, waxaana dadka qaar ay sheegayaan in ay dhici karto in askar American ah lagu dilay weerarka.
Duqeyntaan lala beegsaday saldhigga ciidamada Mareykanka ayaa kusoo aadayaa maalin un kadib markii ay dowladda Mareykanka duqeymo la beegsaday xerooyin mellatari oo ay dalka Ciraaq ku leeyihiin maleeshiyaad taabacsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.