Waddanka Ukraine waxaa wali ka holcaya dagaalka xooggan ee aan dhammaadka laheyn islamarkaana u dhexeeya dowladda Ruushka iyo xukuumadda Kiev oo garab ka heleysa dowladaha reer-galbeedka.
Ugu yaraaan 30 ruux ayaa ku dhimatay in ka badan 160 kalena wey ku dhaawacmeen, duqeymo xooggan oo ay dowladda Ruushka saacadihii lasoo dhaafay ka geysatay degaanno dhowr ah oo ku yaalla Ukraine, islamarkaana ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Kiev, iyadoona ay duqeyntaan ka dhalatay dhaleeceyn xooggan oo ay jeedinayaan dowladaha reer-galbeedka.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dowladda Ruushka ay dhammaan hubkii ku jiray kaydkeeda ay u deegsaneyso dagaalka Ukraine, waxa uu sidoo kale sheegay in Ruushka isticmaalay 158 Saaruukh iyo diyaaradaha aan duuliyaha leheyn.
Baraha bulshada ayaa lagu faafiyay war sheegay in sawariikhda Ruushka ay beegsadeen Isbitaallada dhallaanka iyo hooyada, dhismayasha waxbarashada, xarumaha ganacsiga iyo guryaha dadweynaha…
Sidoo kale Afhayeenka ciidamada cirka Ukraine “Yuurii Iganaat” ayaa sheegay in duqeyntaan ay tahay midii ugu cusleed marka laga reebo malmihii ugu horreeyey uu bilowday dagaalka Ukraine bishii February ee sanadkii hore.
Dhanka kale, ciidamada Ruushka ayaa ku dhawaaqay Jimcihii lasoo dhaafay ay bartilmaamsadeen tobannaan fariisin oo ku yaala Ukraine, intii u dhaxaysay 23 illaa 29 December.
Dowladaha reer-galbeedka ayaa dhaleeceyn xooggan u jeediyay Ruushka, kadib duqeymahaan daran ee uu ka geystay gudaha dalka Ukraine, islamarkaana ku laayay dadka badan.
Xogyaha guud ee Q/midoobey ayaa dhankiisa aad u cambaareeyay weerarka uu Ruushku ka geystay Ukraine, “Dhaleeceyn midda ugu daran ayaan dhaleeceyneynaa weerarada argagaxa leh ee ka dhacaya magaalooyinka iyo degaannada Ukraine” ayuu yiri xoghayaha.
Dowlado qeyb ka ah waxa loogu yeero golaha ammaanka ee Q/Midoobey, sida Mareykanka Ingariiska iyo Faransiiska ayaa iyagana dhaleeceeyay weeraradii ugu dambeeyay ee uu Ruushku ka geystay Ukraine kuna laayay tobannaanka ruux ee Kirishtanka ah.
Dowladaha reer galbeedka ayaanan ka hadal xasuuqa wuxuushnimo ee uu Maamulka Yahuudda ka geysanayo magaalada Qaza, iska daa iney ka hadlaane iyagana ayaaba ah kuwa bixinaya hubka lagu gumaadayo ehelkeenna ku dhaqan Filastiin, taas badalkeeda waxa ay udiir naxayaan dadka gaalada ah ee uu Ruushku ku xasuuqayo Ukraine, taas oo muujineysa sida ay gaaladu isugu gurmaneyso, islamarkaana ugu midowday baabi’inta umadda Muslimka ah.