Maleeshiyaadka Gurmadka Degdegga ah ee ay tababarat dowladda Imaaraatka Carabta ayaa wali sii wada xasuuqyada fooshaxun ee ay ka geysanayaan dalka Suudaan.
Saacadihii lasoo dhaafay waxay maleeshiyaadkaan ku kaceen xadgudubyo foolxun, warar qarracan ah ayaana laga soo warinayaa qeybo badan oo dalkaasi kamid ah.
Geesta kale waxaa soo baxaya warar sheegaya iney fashilmeen wadahadallii lagu ballansanaa in loo qabto hogaamiyayaasha mellatariga ee kala ah C/fataax Al-Burhaan iyo Xamdaan Doqlo.
Haddaba warbixintaan hoose ku dhageyso xogihii ugu dambeeyay ee xaaladda Suudaan, iyo wadahallada la sheegayo iney fashilmeen.
Halkaan Ka Dhageyso Falanqeyn Xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Suudaan.