HomeAll news10 Ruux oo Rayid ah oo Ku Dhimatay Madaafiic Lagu Garaacay Mandiqad...

10 Ruux oo Rayid ah oo Ku Dhimatay Madaafiic Lagu Garaacay Mandiqad ku Taalla Dalka Suudaan.

Dalka Suudaan waxaa wali ka soconaya dagaallada xooggan ee udhexeeya ciidamada mellatariga iyo maleeshiyaadka gurmadka degdegga ah, kuwaas oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya.

Madaafiicda culus oo ay is weydaarsanayaan dhiacyada ku dagaallamaya dalka Suudaan ayaa lasoo warinayaa iney ku dhinteen 10 ruux, kadib markii ay tiro hoobiyayaal ah kusoo dhaceen xaafado la dagan yahay oo ku yaalla mandiqad dhacda koonfurta magaalada caasimadda ah ee Khartuum.

Wararku waxa ay sheegayaan in labada dhinac ee isku haya talada Suudaan ay isku adeegsanayaan madaafiic iyo diyaarado Drone ah, iyagoo ka dhex dagaallamaya xaafadaha iyo suuqyada ay dadka shacabka ah ka dukaameystaan, taas oo sababta in mar waliba uu khasaaruhu ku bato dadka rayidka ah.

Maleeshiyaadk gurmadka degdegga ah ee uu hogaamiyo Xamdaan Doqlo, islamarkaana taageerada ka helaya dowladda Imaaraatka Carabta ayaa wali geysanaya xad gudubyo foolxun oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Dagaalka Suudaan ee u dhexeeya ciidamada ay kala hogaaminayaan Al-Burhaan iyo Xameti islamarkaana billawday bartamihii bishii April ee sannadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 12-kun oo ruux, halka ay ku barakaceen in ka badan 7 milyan oo qof, kuwaas oo uqaxay gudaha dalka iyo dibaddiisa,

Sidoo kale waxaa gabi ahaanba raja beel laga muujinayaa dadaallo lagu doonayay in la isku horkeeno hogaamiyayaasha Inqilaabka kula wareegay talada dalka, kuwaas oo marar badan fashil iyo guuldarro kusoo idlaaday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular