Inkasta oo laga bixin karo sifo kasta oo xun ama foolxun, haddana sifada ugu caansan ee uu leeyahay siyaasiga dabodhilifka ah ee Soomaaliyeed tan iyo lixdanaadkii ayaa ah beenaalenimo xad dhaaf ah oo uu taariikhda, mabaadii’da, dhacdooyinka, shakhsiyaadka ay iska soo horjeedaan iyo shaqadiisaba uga been sheego si joogto ah, aan xirfadaysnayn, xasuus yari ku dheehantahay, oo aad u foolxun.
Siyaasigan dabaqoodhiga ah ee asal ahaan dhashii gumeysiga ah ayaa maqaam kasta iyo munaaasabad kasta ku qasban in uu waaqica, tagtada iyo mustaqbalkaba ka been sheego maadaama uu, dhan, runta iyo waddadii xaqa aad uga fogaaday, dhanna, sheegista runtu ay uga dhigantahay qirashada dunuub waawayn, ficillo laga yaqyaqsoodo iyo xumaanta wajiyada badan ee uu faraha kula jiro. Sidaa darteed, waxa ay khudbaddii Xasan Sheekh ee ku wajahnayd heshiiskii Muuse Saamiri iyo Aby Axmed ka koobnayd isku bari yeelidda beenta noocan ah, iska dhawridda kalmad uu dhibsan karo ninka uu la hadlayay ee Aby Axmed, iyo isu muujinta hoggaan uu difaaca dalkiisu ku weynyahay.
Qodobka 1aad:
Asaga oo ku dhaqmaya qaaciidadan baadilka ah ayuu adeege Xasan Sheekh hadalkiisa ku bilaabay sheegasho been ah oo ahayd: “sidii ay awoowyadeen iyo aabbeyaasheen u diideen in dhulkooda la qaato ayaan annaguna u diidnay”. Isku daygan foosha xun ee uu isku dayay in uu naftiisa iyo nafta dabaqoodhiga kale ee Soomaalida ah ee ay isku shaqada yihiinba ku bari yeelo ayuu halmar labo jeer taariikhda kaga been sheegay. 1 – Xasan Sheekh awowyadiisa dhabta ahi marka taariikhda lagu laabto shaqadiisana miisaan la saaro ma ahan Soomaalidii gobta ahayd ee xilli kasta diiddanayd in uu shisheeye dhulkooda boobo iyagana bahdilo. Xasan awowyadii waa Muuse Faarax (sarkaalkii ugu sarreeyay askartii Ingiriiska ee Soomaalida ahayd), Aadan Cadde (nadiifiyihii xafiisyadii Talyaaniga ee Banaadir) iyo Ibraahim Cigaal (ninkii dhulka NFD iibiyay).
2 – Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa shisheeyaha u adeegaa waxay taariikhda uga qoranyihiin bogag madoow oo ay khiyaanada qarankooda, ku tumashada diinta, boobka hantida dadkooda masaakiinta ah, u khidmaynta shisheeyeha iyo u gacangalinta dalkoodu cinwaan u yihiin. Waxay asaga iyo saaxiibadii ku suntanyihiin u jajabnaanta Itoobiya iyo in ay gobolkii dhulka Soomaalida ugu weynaa u saxiixeen una aqoonsadeen dhul Xabashidu leedahay. Ma jiro dhul ay difaaceen, waxaana tiro beel ah dhulka ay shisheeye u gacan galiyeen.
Qodabka 2aad:
Asaga oo isku dayaya in uu dadka Soomaaliyeed taariikhdooda uga warramo ayuu madaxweynehan adeegaha ahi si foolxun mar kale uga been sheegay taariikhda ummaddan iyo loollankii kala dhexeeyay dariskooda Nasaarada ah ee Xabashida Itoobiya. Dagaalladii jihaadka ahaa ee ay Muslimiinta gobolku ku difaacanaysay dhulalkooda ayuu Xasan ku tilmaamay dagaallo shan qarni socday una dhexeeyay ‘Jihaadiyiin’ iyo ‘Saliibiyiin’. Mar, waxa uu qadiyadihii taariikhiga ahaa ee mujtamacan ka dhigay dagaallo ay niman kharriban oo ‘jihaadiyiin’ la yiraahdaa hurinayeen (maadaama uu jihaadiyiinta dad kharriban u yaqaan).
Mar kale, waxa uu si ku talogal la’aan ah ammaan iyo waynayn kala dul dhacay Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo uu si dadban ugu tilmaamay niman dabojooga raadkii awoowyaashood oo xambaarsan afkaartii Axmed Gurey iyo Sayid Maxamed. Mar saddexaad, waxa uu gebi ahaanba dafiray xaqnimadii iyo mudnaanta halgankii ay qarniyada Soomaalidu Xabashida isaga diifacaysay. Waxa uu halgankan iyo dagaalladan ku tilmaamay “taariikh aan qurxoonayn”. Waa ka beensheegid iyo marinhabaabin labaad oo ka foolxun tii hore.
Qodobka saddexaad:
Asaga oo ka gaashaamanaya natiijada ka dhalanaysa ka run sheegidda meesha uu xilligan loollankii Xabashida iyo Soomaalidu marayo, ayuu mar kale ku qasbanaaday in uu waaqica iyo taariikhdaba hal eray isku mar uga been sheego. Waxa uu noogu beenhaawisay in dagaalladii muddada qarniyada ah soo taxnaa ay si iskood ah usoo gebogeboobeen sannadkii 1991kii waqtigii ay burbureen dawladihii Maxamed Siyaad Barre iyo Xayle Maryam.
Ka been sheegiddani waa mid kas ah oo uu ku asturayo doorka foosha xun ee waxa loogu yeero ‘Dawladda Federalka ah’i ay ka qaadatay duullaankii u dambeeyay ee ay Xabashidu kusoo qaaday dhulka Soomaalida 2006 ilaa haddana taagan.
Maadaama uu ku fadhiyo kursi lagu sameeyay Adis Ababa oo ay Taangiyada Axmaaradu 2006 qori caaraddi Xamar ku keeneen, waxaa qasab ku noqotay in uu taariikhdii aadanaha 1991 ku gebogebeeyo. Laakiin, sida aan markhaatiga ka nahayba, loollankii Xabashida iyo Muslimiinta gobolku weli waa mid taagan, sii xoogaysanaya meel xasaasi ahna xilligan maraya.
Qodobka 4aad:
Soomaalida qaybteeda weli rajada ka qabta maamullada shisheeyuhu dhisay iyo madaxdoodu waxay indhaha ku hayeen qaabka ay dawladda fadhiidka ah ee Xasan Sheekh uga felcelin doonto duullaanka Itoobiya ee qayaxan ayaga oo naawilayay in uu Madaxweynehan dabodhilifka ahi ugu yaraan wax un hadallo kulkulul ah isku dayi doono. Laakiin, hadalkiisa erayada kooban ee uu Aby Axmed kula hadlayay ayaa ahaa erayo ay dadkaasi aad uga naxeen qayb badan oo ka mid ahina ku quusqaateen. Waxa uu ku cawday in uu duullanka Itoobiya Alshabaab fursad siinayo oo ay dhallinyarada Soomalaaliyeed mucaskaraadka isxaadirin doonaan.
Kalmadda ugu cajiibsanayyd hadalkiisan ayaase ahayd “Alshabaab waxay ka dhalatay farogalintii Meles Zenawi uu Soomaaliya ku hayay”. Hadalkani waxa uu beenin ku yahay sheegashooyinkiisii hore ee uu ku tarsaasin jiray in Alshabaab ay yihiin koox u dhisan dhibaataynta dadka Soomaaliyeed. Dhanka kale, waxa ay toosh ku qabatay meesha uu taaganyahay iyo in uu, mar, yahay natiijada ka dhalatay farogalintii Meles Zenawi, marna, uu dagaal kula jiro dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ka dhiidhiday faraogalintii Xabashida. Waxa uuna, mar kale, ku talogal la’aan ammaan kala dul dhacay xarakada iyo halgamayaasha casriga.
Gebogebadii, waxaa la joogaa xilligii ay Soomaalidu ka quusan lahayd maamullada shisheeyuhu waddanka ka mudmuday ee reer-reerka loogu kala qaybiyay mujtamacii walaalaha ahaa, waxaana la gaaray xilligii ay Soomaalidu ka tashan lahayd daboqoodhiga shisheeye-kalkaalka iyo gaaloraaca ah ee dhulkeedii taak-taakoda u iibinaya, una tashan lahayd cadowgeeda iyo Xabashida dhulkeedii boobaysa. Waxaa lagama-maarmaan ah in ay Soomaalidu ka aamin baxdo qawlaysatada ay Muuse Biixi iyo Xasan Sheekh ugu horreeyaan.