Jabhadda Oromada ee loosoo gaabiyo OLA oo dagaal kulajirta Dowladda Itoobiya, ayaa si adag uga hortid Damac Xukuumadda Aiy Axmad ay ka leedahay Xeebaheena Soomaaliya iyo Heshiiskii saxiixa Badda Soomaaliya ee ay wadagaareen Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Itoobiya.
War Saxaafadeed ku qoran luuqadda Engilish-ka oo ay soo saartay Jabhaddu kana kooban labo bog, ayaa lagu sheegay In Aiy Axmad uu yahay Nin aan Qowmiyadda Oromada ku metelin Heshiisyada uu gelayo ama Tallaabooyinka uu qaadayo.
Warkan oo Maanta soo baxay kuna saxiixan yahay Afhayeenka Jabhadda ayaa si cad loogu sheegay in Abiy markasta uu faafiyo Dacaayad uu isugu ekeysiinayo inuu yahay mid matala dadka Oromada ah.
Sido kale Jabhadda ayaa ficillada uu ku dhaqaaqayo Aibey Axmad ku tilmaamtay,in ay yihiin kuwo marin habaabin ah oo lagu jahawareerinayo shacabka ku nool Itoobiya si uu kursiga usii joogo.
Jabhadda ayaa xustay, iney dagaal kulajiraan Xukuumadda Abiy Axmad, heshiiska ay wadagaareen Maamulka Soomaalinad-na uu yahay xeelad indhaha caalamka looga jeedinayo, dagaallada iyo dhibaatooyinka kale ee jira gudaha Dalka itoobiya.
Waxay kaloo heshiiska ku tilmaamtay mid xadgudub ku ah madaxbanaanida wadanka Soomaaliya.
Warkan kaasoo baxay Jabhadda OLA ee kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada ayaa kusoo beegmaya, xilli guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ay si aad ah kaga horyimaadeen damaca Dowladda Itoobiya ay ku dooneyso iney ku qabsato Xeebaheena.
Wuxuu kaloo kusoo aadayaa,waqti uu Abiy Axmad wajahayo culeesyo siyaadeed oo caalami ah oo kadhashay, heshiiskii uu lagalay Maamulka Soomaalilnad bilowgii sanadkan 2024-ka.