Ugu yaraan 9 Askari oo Turki ah ayaa lagu dilay, 4 kalena waa lagu dhaawacay iska hor-imaadyo woqooyiga dalka Ciraaq ku dhexmaray maleeshiyaadka xisbiga shaqaalaha Kurdida iyo ciidamada Turkiga, kuwaas oo ka dhacay xero ay ku sugnaayeen ciidamada xukuumadda Ankara.
Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa shaaca ka qaaday aroornimado hore ee saakay, iska hor -imaadyada kadib uu Turkigu qaaday duqeymo baaxad leh, ayna ku burburiyeen 29 hadaf oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Kurdida, kuwaas oo ku yaalla dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay, in tiro badan oo askar ah ay ku dishay duqeymahaas.
Weerarka lagu laayay askarta Turkida ah kadib, waxay wararku sheegayaan, in madaxweynaha xukuumadda Ankara Rajab Dayin Urdugan uu iskugu yeeray kulan amni oo degdeg ah oo maanta oo Sabti ah ka dhaca magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Xafiiska madaxweynaha Turkiga ayaa barta uu ku leeyahay Shabakadda “X” ee horay loo oran jiray Twitter kusoo daabacay qabashada shirkaan, kaas oo ay kasoo qeyb galayaan wasiirrada difaaca, kuwa arrimaha dibadda iyo gudaha, iyo sidoo kale madaxa sirdoonka iyo latilayaha xagga diblimaasiyadda ee dowladda Turkiga.
Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay, in 4 askari oo Turki ah ay udhinteen dhaawac daran oo soo gaaray, xilli kol sii horreysay ay shaacisay geerida 5 askari iyo dhaawaca 8 kale kuwaas oo 3 kamid ah ay garaab ahaayeen, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 9 askari.
Iska hor-imaadyada ayay wasaaraddu sheegtay in sidoo kale lagu dilay ugu yaraan 15 kamid ah maleeshiyaadka xisbiga Shaqaalaha ee Kurdida oo ah xisbi ay Turkiga iyo reer galbeedku u aqoonsan yihiin waxa ay ugu eeraan “Argagixiso”.
Weerarkaan cusub ee lagu dilay askarta 9-ka ah ayaa kusoo aadaya, wax kar yar kadib markii 12 askari oo Turki ah lagu dilay 2 weerar oo lagu qaaday 2 xero oo ay ciidamada Turkiga ku lahaayeen degaanno dhaca woqooyiga dalka Ciraaq.