HomeAll newsAskar Katirsan Ciidanka Badda ee Mareykanka oo Lagu La'yahay Xeebaha Soomaaliya.

Askar Katirsan Ciidanka Badda ee Mareykanka oo Lagu La’yahay Xeebaha Soomaaliya.

Hogaanka Talis dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa shaaciyay, in xeebaha Soomaaliya lagu la’yahay 2 kamid ah ciidankooda Badda, isagoo aan bixin tafaasiil ku aaddan qaabka loo waayay askartaas.

Bayaan kasoo baxay hogaanka taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay, in askartaan la waayay maalintii Khamiista ee lasoo dhaafay, iyagoo ku guda jiray howl maalmeekooda, waxa ay intaas ku dareen in ay socdaan howlo baadi goob iyo badbaadin isugu jira oo lagu ogaanayo halka ay ku sugan yihiin askartaas.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu xusay ineysan bixin doonin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan arrintaan, illaa ay kasoo dhamaamanayaan howlaha baadi goobka ah ee lagu raadinayo askarta Americanka ah ee maqan.

Xukuumadda Washington ayaa xeebaha Badda Cas usoo dirtay maraakiib dagaal, tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta kordhiyeen weerarada ay ku beegsanayaan maraakiibta iscticmaasha xeebahaas.

3 Maalmood ka hor ayay aheyd markii diyaarad taabacsan Hey’adda Qaramada Midoobey ay kusoo dhacday duleedka degmada Xiindheere ee wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud, taas oo ay saarnaayeen shaqaale katirsan UN-ka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular