HomeAll newsDhageyso Muuse Biixi oo Itoobiya U Saxiixay Iney Qaadato Badda Soomaaliya.

Dhageyso Muuse Biixi oo Itoobiya U Saxiixay Iney Qaadato Badda Soomaaliya.

Hogaamiyaha maamulka Somaliland ayaa magaalada Adisababa kusoo saxiixay heshiis ay Itoobiya ku qaadanayso badda Soomaaliya gaar ahaan qeyb kamid ah Badda Cas.

Muuse oo garab fadhiyay Abiy ayaa sheegay in uu Itoobiya u saxiixay heshiis ay ku qaadanayso 20km oo kamid ah dhul badeedka Soomaaliya.

Hadalka Muuse Biixi oo aad u koobnaa ayaanan ahayn mid qoran sidaa darteed markii laga duulay kadib ayaa waxaa dib looga soo kabay hadallo kale oo dheeraad ah.

Abiy Axmad iyo madaxdii kale ee Xabashida ayaa sacbiyay markii uu Muuse ka dhawaajiyay warkaas, waxaana arrintan ay kusoo aadeysaa iyadoo uu magaalada Adis-ababa maalmo ka hor heshiis qarsoon kusoo saxiixay Cali Balcad oo ah wasiirudowlaha arrimaha dibadda ee DF iyo Muuse Biixi oo Jabuuti kula soo kulmay Xasan Sheekh.

Dadka Itoobiyaanka ee isticmaala baraha bulsahda ayaa aad u dabaal dagaya iyagoo ku faraxsan arrintan, kuna tilmaamaya riyadii awoowyaashood oo ay maanta xaqiijiyeen, taasoo ahayd iney mar uun caga dhigtaan badda Soomaaliya.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa falanqeyn aan ka sameynay badda loo saxiixay Itoobiya.

Halkan Ka Degso Falanqeynta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular