HomeAll newsDhageyso Sheekh Jaamac"Taako Kamid ah Dhulka Islaamka Qofna ma Bixin karo.

Dhageyso Sheekh Jaamac”Taako Kamid ah Dhulka Islaamka Qofna ma Bixin karo.

Waxaa isa soo taraya Cullimada,Aqoonyahanada iyo indheergaradka Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyay heshiiska baadilka ah ee maamulka Muuse Biixi uu Itoobiya ku siiyay qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

Cullimada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda rabaaniyiinta ah ee umadda xaqa ucadeeya ayaa ka digay heshiiska iyagoo umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay difaacaan oo ay diidaan taako kamid ah dhulka islaamka in la siiyo gaalada.

Sheekh Jaamac Cabdisalaam Warsame oo kamid ah cullimada Soomaaliyeed ayaa yiri” Taako Kamid ah Dhulka Islaamka Qofna ma Bixin karo, Xasan Sheekhna Ma Matalo Ummada Soomaaliyeed”

Sheekh Jaamac ayaa dhanka kale ka hadlay waxa isku soo beegay kulamo Dowladda federaalka iyo maamulka somaliland ku dhexmaray dalka jabuuti iyo heshiiskii ka dhacay Adis ababa ee badda lagu siiyay Itoobiya.

Halkan ka dhageyso Wareysi laga qaaday sheekh Jaamac Cabdisalaam.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular