Siyaasiga Faarax Macallin oo ku nool wadanka Kenya ayaa sheegay inuu xog ogaal u yahay in Xasan Sheekh uu ku luh leeyahay, waxna uu ka ogyahay tallaabada Itoobiya loogu saxiixay badda Soomaaliya.
Shirkii dhawaan ka dhacay wadanka Jabuuti ee ay isugu yimaadeen Xasan Sheekh, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Muudey Biixi ayuu sheegay in lagu qorsheeyay bixinta badda Soomaaliya, uuna dullaal ka ahaa madaxweynaha Jabuuti.
Faarax ayaa dadka Soomaalida ugu baaqay iney fadhiga ka kacaan inta goori goor tahay maadaama la qabsanayo baddoodii, laga qaadanayo dhulkoodii.
Haddii ay Itoobiya u suura gasho qabshada badda waxay canshuur ka qaadi doontaa maraakiibta u socota ganacsatada Soomaalida, waxayna fursad u heli doontaa iney qabsato dalka intiisa kale.