HomeAll newsFalanqeeye: Soomaaliya Waa Go'doon Haddii Itoobiya La Wareegto Badda Cas.

Falanqeeye: Soomaaliya Waa Go’doon Haddii Itoobiya La Wareegto Badda Cas.

Yaasiin Xasan Rooble oo ah falanqeeye u dhuun daloola arimaha caalamka Islaamka ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu siiyay Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan waxa uu kaga hadlay damaca Itoobiya ee la xirira qabsashada badda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in damacan uu yahay mid soo jireen ah, Itoobiyana ay tahay cadowga koowaad ee qadiimiga ah ee ay leeyihiin muslimiinta geeska Afrika gaar ahaan umadda Soomaaliyeed.

Yaasiin Xasan, wuxuu intaa ku daray in haddii Itoobiya la wareegto Badda Cas ay ka dhigantahay in go’doon xaga badda ah ay gashey Soomaaliya, maadaama horraanba xuduuda barriga ay Soomaaliya la wadaagto laba dal oo Nasaaro ah oo kala ah Itoobiya iyo Kenya.

Umadda Soomaaliyeed ayuu usoo jeediyay iney fadhiga ka kacaan, islamarkaana wadada keliya ee ay ku difaacan karaan dhulkooda ay tahay halganka.

Waraysi Falanqeeye Yaasiin Xasan- Damaca Itoobiya ee Badda Soomaaliya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular