Wararka ka imaanaya dalka Mareykanka ayaa ku waramaya in Imaamka mid kamid ah masaajida ku yaalla gobolka New Jersey ee gudaha waddankaas lagu dilay weerar toogasho ah oo ay geysteen kooxo ay ku fogaatay islaam naceybka oo ku sugan dalka Mareykankanka.
Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dilkaan geysteen, iyagoo rasaas ku furay imaamka xilli uu ku sugnaa meel udhow masjidka, arrinkaas oo cara badan dhaliyay.
Imaamka la dilay ayaa lagu magacaabaa Xuseyn Shariif, waxa uuna dilkiisu dhacay maalintii shalay oo Arbaco ah, wararku waxa ay tibaaxayaan in Imaamka uu kolkii hore soo gaaray dhaawac halis ah, islamarkaana loola cararay isbitaal ku yaalla gobalka, balse goor dambe uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Weerarka kadib waxaa goobta isaga baxsaday kooxdii falka dilka ah geystay, waxaana goor dambe oo waqti fog ah yimid ciidamo katirsan boliska Mareykanka, kuwaas oo wax lagu sheegay baaritaan ka billaabay goobta.
Dowladda Mareykanka ayaanan illaa iyo hadda cadeyn cidda ka dambeysa falkaan iyo asbaabaha keenay, balse ma ahan markii ugu horeysay oo qof Muslim ah lagu dilo gudaha dalkaasi.
Arrinta la yaabka leh ayaa ah in dowladda Mareykanka oo had iyo jeer beegsata Muslimiinta iyo hormuudka mujtamaca islaamiga ah ay ballan qaaday in lacag dhan 25-kun oo doollar ay siin doonto cid waliba oo keenta macluumaad la xiriira kooxaha dilka geystay, arrinkaas oo muujinaya heerka munaafaqnimada dowladdaan.
Dadka qaar ayaa arrintaan la xiriirinaya qadiyadda Falastiin, kooxda dilka geysanteyna ay ugu aargudeyso Maamulka Yahuudda, arrinkaas oo ah mid aan ku cusbeyn gudaha Mareykanka, oo hoorraan oday cutush American ah ayaa gudaha dalka Mareykanka ku dilay wiil yar oo Filastiini ah, isagoona sheegay inuu u aar gudayo Kayaanka Suhyuuniga ah.
Tan iyo wixii ka dambeeyay howlgalka Duufaanta Al-Aqsaa waxaa dalka Mareykanka iyo guud ahaan wadamada reer-galbeedka kusii xoogeysanayay falalka islaam naceybka ah ee ay soo muujinayaan gaalada caalamka, kuwaas oo aad uga gubtay xasuuqa iyo gumaadka adag ee lagala dul dhacay Yahuudda Xaaqidiinta ah.