HomeAll newsXukuumadda Shiicada ah ee Iiraan oo Weerar Khasaare Dhaliyay ka Fulisay Woqooyiga...

Xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan oo Weerar Khasaare Dhaliyay ka Fulisay Woqooyiga Dalka Ciraaq.

Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq ayaa ku waramaya in qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada Arbil oo ah caasimadda gobalka Kurdistan ee woqooyoga ah dalkaas, iyadoona xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ay shaaca ka qaaday iney beegsatayxarumo sirdoon oo ku yaalla dalka Ciraaq.

Wariayayaal ku sugan Ciraaq ayaa soo tabinaya, in qaraxyo xooggan laga maqlay caasimadda gobalka Kurdistan ee Arbail, kuwaas oo geystay khasaarooyin kala duwan, islamarkaana aan illaa iyo hadda la ogeyn waxa ay ka shasheen qaraxyadaas.

Ila wareedyo Kurdi ah ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 4 ruux ay ku dhinteen, 7 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyadaan ka dhacay woqooyiga dalkaas.

Qaraxyada kadib waxay wararku sheegayaan, in gabi ahaanba ay hakad ku yimaadeen duulimadyadii ka bixi jiray garoonka caalamiga ah ee magaalada Arbil, sababo ku aaddan qaraxyada ruxay magaaladaas.

Masuuliyiin American ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa shaaca ka qaaday, ineysan jirin xarumo uu Mareykanku leeyahay oo ku yaalla Arbil, kuwaas oo sawaariikh lagu garaacay, xilli magaaladaas uu Mareykanku ku leeyahay saldhigyo mellatari.

Warkaabinta rasmiga ah ee xukuumadda Shiicad ah ee Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay, in taliskooda mellatariga uu weerar ku qaaday xarumo sirdoon iyo baro ay ku sugnaayeen kooxo ay ugu yeereen kuwa “Argagixiso” kuwaas oo ka dhan ahaa masaaliixda Iiraan.

Weerarka ay qaadeen ciidanka xukuumadda Shiicad ah ee Iiraan ayay xukuumadda Tehran shaacisay in loo adeegsaday sawaariikh, kuwaas oo lagu bartilmaameydsaday xarumaha ku yaalla magaalada Arbil.

Bayaan kasoo baxay golaha Amniga ee gobalka Kurdistan ayaa lagu sheegay, in ciidanka xukuumadda Tehran ay tiro sawaaiikh ah ay ku garaaceen manaadiq dowr ah oo ay dagan yihiin shacabka kuna yaalla magaalada Arbil, kuwaas oo ay sheegeen in lagu dilay 4 ruux oo rayid ah laguna dhaawacay 6 kale.

In ka badan 15 Sawaariikh ah ayaa la sheegay in ay kusoo dhaceen degaanno kala duwan oo ku yaalla magaalada Arbil, kuwaas oo ay ka shasheen qaraxyo xooggan.

Dalalka Ciraaq iyo Suuriya waxaa ka socda loolanno adag oo u dhexeeya Yahuudda iyo dowladaha reer-galbeedka oo isku dhinac ah, iyo xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, kuwaas oo muddo sanado ah ay dalkaan ku dhex marayaan weeraro iyo duqeymo cuslus.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular