HomeAll newsIn ka Badan 100 Ruux oo ku Dhimatay Qaraxyo Mataano ah oo...

In ka Badan 100 Ruux oo ku Dhimatay Qaraxyo Mataano ah oo ka Dhacay Dalka Iiraan.

Wararka ka imaanaya wadanka iiraan ayaa ku waramaya in qaraxya xoogan oo ka dhacay badhtamaha Iiraan meel u dhow qabriga taliyihii ugu sarreeyay ee Ilaalada Kacaanka ay ku dhinteen In ka Badan  Boqol qof ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaa ka badan way.

Qaraxyada oo garaya ilaa Laba qarax ayaa gallaaftay nolosha 103 qof, tiro intaa ka badana oo 141 ahna way ku dhaawacmeen.

Qaraxyada ayaa si gaarah uga dhacay munaasabad lagu xusayay taliyihii ugu sarreeyay ciidamada Iran Qaasim Suleymaani oo lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka 2020, kaas oo ka dhacay dalka Ciraaq.

Telefishinka Iran ayaa sheegay in qarax koowaad iyo kan labaad ay dhaceen xilli ay socotay munaasabada sanad guurada dilka taliyaha oo ka dhacday qabuuraha uu ku aasan yahay Suleymaani ee ku yaala koonfurta bari ee gobolka Kerman.

“Qaraxyadu waxay ka dhasheen weerarro argagaxiso,” ayay warbaahinta dowladdu ka soo xigatay mas’uul maxalli ah oo ku sugan gobolka Kerman.

Babak Yektaparast, oo ah afhayeenka ciidamada gurmadka degdega ah ee Iran, ayaa la sheegay in markii uu goobta tagey uu xaqiijiya in 83 qof ay dhinteen, 170 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wakaaladda wararka ee Nuur news ayaa goor sii horeysay sheegtay in dhowr haamood oo gaas ah ay ku qarxeen wadada aada xabaalaha.

TV-ga xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa soo bandhigay qalyaha gurmadka degdegga ah oo ka qayb qaadanayay daad gureynta dad dhaawac ah oo xafladda ku sugnaa, halkaasoo ay isugu soo baxeen boqolaal Iiraaniyiin ah si ay u xusaan sannad-guuradii dhimashada Suleymaani. Qaar ka mid ah wakaaladaha wararka Iiran ayaa sheegay in tirada dadka dhaawacmay ay intaas ka badan tahay.

“Kooxaha jawaabta degdega ah waxay daad gureynayaan dadka dhaawacmay… Laakiin waxaa jira mowjado dadweyne ah oo xiray waddooyinka,” Reza Fallah, oo ah madaxa bisha cas ee gobolka Kerman ayaa sidasi u sheegay TV-ga dowladda.

Isla wararkan ayaan ku guda jirnaaye xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa Maamulka gumeystaha Yahuudda iyo dowladda Mareykanka ku eedeysay inay ka dambeeyaan qaraxaasi, ha yeeshee, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku gacan seyray edeynta ku lug lahaanshaha Mareykanka ee qaraxaasi.

Edeynta kasoo yeertay xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayuu masuulkaan American ah ku tilmaamay iney tahay wax lagu qoslo, isagoo dhanka kalena sheegay inaysan jirin wax muujinaya in Maamulka Yahuudda uumas’uul ka yahay weeraradaas.

Sikastaba weerarkan ayaa ahaa weerar ay dadbadani ku dhintaan loona  badinya ku lug lahaanshiyaha mareykanka iyo yuhuuuda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular