HomeAll newsIn ka Badan 20 Askari oo Xukuumadda Burkinafaso Loog Dilay Weerar ka...

In ka Badan 20 Askari oo Xukuumadda Burkinafaso Loog Dilay Weerar ka Dhacay Dalkaas & Warar Kale.

Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa fuliyay weeraro ballaaran oo ka dhan ah ciidamada xukuumadaha Burkinafaso Maali iyo Maleeshiyaadka Murtazaqada Fagnar, kuwaas oo getstay khasaare kala duwan oo isugu jira naf iyo maal intaba.

Weerarka koowaad oo ahaa mid cagmarin ah ayay ciidamada Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin la beegsadeen askar katirsan xukuumadda Burkinafaso, bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta islamarkaana ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqah ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay weerarkaan.

“Waxa uu Allaah swt walaalihiinna mujaahidiinta ah waafajiyay iney si buuxda kula wareegaan xarun mellatari oo ay leeyihiin askarta xukuumadda Burkinafaso oo ku taalla Mandiqadda Nuna, kadib weerar cagmarin ah oo halkaasi lagu qaaday” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mujaahidiinta galbeedka qaaradda Africa ee looga hadlay weerarka cagmarinta ah.

Waxa uu markaan bayaanka soo bandhigayaa khasaaraha ciidanka xukuumadda Burkinafaso lagu gaarsiiyay weerarka, waxaana lagu yiri “Allaah mahadii waxaa weerarkaasi ku halaagsamay ugu yaraan 22 kamid ah ciidanka Burkinafaso, iyadoona ay Mujaahidiintu soo furteen 5 kamid ah gaadiidka dagaalka oo xirada u yiillay askarta”.

Qanaa’imka ay Mujaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin kusoo furteen weerarkaan waxaa kamid ah 80 qori oo AK-47 ah, 7-BKM ah, 4 RPG, iyo 22 sanduuq oo rasaad ah, waxaa intaa dheer oo ay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee galbeedka Africa weerarkaan kusoo furteen agabyo badan oo mellatari, kuwaas oo ay ku jiraan qalabka isgaarsiinta mellatariga.

Dalka Maali waxaa isana ka dhacay Weeraro qaraxyo u badan oo ay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin la beegsadeen askar katirsan xukuumadda Bomako, iyo maleeshiyaadka Murtazaqada Fagnar ee uu soo taba bartay Ruushka.

Weerarka koowaad oo ahaa mid qarax ah ayay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin la beegsadeen gaari ay lasocdeen askar katirsan xukuumadda Maali iyo maleeshiyaadka Murtazaqada Fagnar kaas oo ku sugnaa gudaha magaalada Gawu, khasaare kala duwan ayaana ka dhashay qaraxaasi.

Sidoo kale maalintii khamiista ee lasoo dhaafay waxaa dalka Maali ka dhacay qaraxyo lala beegsaday ciidamada huwanta ah iyo maleeshiyaadka calooshood ushaqeystayaasha Fagnar.

Qaraxa koowaad waxaa lala beegsaday gaari ciidan oo ay wateen askar katirsan ciidamada huwanta ah oo ku socdaalayay wadada xiriirisa degaannada Nonka iyo Qowndam ee dalka Maali, waxaana uu weerarkaas geystay waxyeello kala duwan.

Isla mandiqaddaan waxaa ka dhacay 2 qarax oo ay ciidamada Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin la beegsadeen gawaari ay wateen askarta xukuumadda Maali iyo maleeshiyaadka Fagnar.

Tani ayaa tirada gaadiidka qaraxyada lala beegsaday ka dhigeysa 3 gaari oo uu ku jro gaari gaasaaman oo ay wateen Murtazaqada uu Ruushku taba bartay, askar badan ayaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday weeraradaas.

Mujaahidiinta Jmaacada Nusratul islaam Wal Muslimiin ee ka jihaada Mandiqadda Saxaraha iyo Saaxilka Africa ayaa sii xoojiyay weerarada ay ka geysanayaan dalalka dariska ah ee Maali iyo Burkinafaso, waxaana halgankooda jihaadiga ah ay ku ballaariyeen goballo kale oo mandiqadda katirsan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular