Hoggaan iyo shacab si isku mid ah ayaa wadanka Itoobiya looga dabaal degayaa heshiis ku sheegii maalin ka hor lagu saxiixay magaalada Addis Ababa kaasi oo Xabashida siinaya qeyb kamid ah biyaha dalka Soomaaliya.
Dabaal degyo waaweyn ayaa ka socda magaalooyinka ugu muhiimsan wadanka Itoobiya, dadka xabashida ayaa dhigaya fantasyo iyo iskusoo baxyo waxaana lamoodaa in ay udabaal degayaan maalinta qowmiyadaha ee ay caanka ku yihiin dadka itoobiyaanka ah.
Dhammaan magaalooyinka ismaamulka Oromada ayaa laga oogay xaflado waaweyn oo lagusoo dhoweynayo heshiiskii uu Muuse Biixi badda ugu saxiixay Abiy Axmed, inkastoo xabashidu wada dabaal degayaan hadane qowmiyadda Oromada ayaa calanka usidda mashruucan oo waxaa la arkayaa mas’uuliyiinteeda iyo shacabka oo wada bardoodinaya kuna hadaaqaya erayo muujinaya farxad iyo rayn rayn.