Tan iyo markii uu soo baxay heshiiskii dhex maray maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya ayaa waxaa heshiiskaasi ka falceliyay Dadka udhashay wadanka Itoobiya
Magaalooyinka waaweyn ee Itoobiya waxaa ka socda dabaal degyo iyo isku soo baxyo lagu soo dhaweynayo badda la siiyay Itoobiya.
Itoobiyaanka ku nool Gobalada Waqooyi ayaa aad usoo dhaweeyay oo udabaal degaya heshiiska xabashida Itoobiya lagu siiyey badda Soomaaliya.
Aqoonyahan Xasan Faarax oo ku sugan goballada Waqooyi oo wareysi siiyayw arbaahinta Alfurqaan ayaa sheegaya in meelaha dadka ku kulmaan lagu arkayo dad kasoo jeeda Itoobiya kuwaasi oo si aan ganbasho laheyn usheegaya inay noqdeen muwaadiniin shaqo ka helaya badda La siiyay Itoobiya.
Halkan ka dhageyso Wareysiga Aqoonyahan Xasan Faarax.
Kumanaan dad ah oo kamid ah xabashida Itoobiya ayaa sanadihii ugu danbeeyay si weyn loogu beeray magaalooyinka uu kataliyo maamulka Muuse biixi kuwaasi oo la wareegay shaqooyinka sida ay sheegayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobalada Waqooyi.
Cullimada iyo aqoonyahanada ku xeel dheer damaca xamashida ayaa marar badan ka digay xabashida kusoo qulquleysa Soomaaliya kuwaasi oo si aan horay loo arag ukordhay bilihii lasoo dhaafay.