Waxaa saacadihii lasoo dhaafay dalka Itoobiya ka dhacay dagaallo culus oo udhaxeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa kasoo jeeda Qowmiyada Axxaarada ee Fano.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya cida gacanta ku heysa magaalada istiraatiijiga ah Debre Birhan ee Waqooyiga Itoobiya.
Warbaahinta ayaa tabinaysa ciidamo katirsan qowmiyada Amxaarada ay dagaal culus kadib si buuxda ula wareegeen magaalada Debre Birhan gacantana ku dhigeen 40 ruux oo katirsan ciidamada dowladda Itoobiya.
Dadka ku nool magaalada ayaa sheegaya inay arkeen ciidamo katirsan maleeshiyaadka Fano oo gacanta ku dhigay qeyb kamid ah magaalada Debre Birhan.
Dowladda Itoobiya ayaanan si faafaahsan kaga hadlin dagaallo dib kaga soo cusboonaaday magaalada Debre Birhan.
Abiya Axmed ayaa culeys xooggan kala kulmay saaxiibadiisa Hore ee Fano kadib markii uu isku dayay inuu kala diro.
Dagaalada ayaa kusoo aaday xili maamulka hoostaga Adisb ababa ee ka dhisan Gobalka Amxaarada uu udabaal degayo badda la siiyay Itoobiya.