War caawa kasoo baxay kaniisadda Itoobiya (Ethiopian Orthodox) ayaa waxaa lagu sheegay war dibadda soo dhigay duullaanka diineed ee ay Itoobiya ku hayso wadanka Soomaaliya kaasoo lagu cadeeyay in xubnaha kaniisadda Adisababa ansixiyeen in magaalada Seylac ee dalka Soomaaliya looga furo kaniisad.
Tallaabadan ayay sheegtay iney timid kadib markii uu Muuse Biixi u saxiixay waxa loogu yeeray is afgarad Xabashida u oggolaanaya iney qaataan oo si joogto ah u dagaal badda Soomaaliya. Warka kaniisadda ayaa xambaarsan xamaasad iyo farriin lagu dhiiragelinayo shacabka Itoobiya iyo dowladaha kiristanka ah ee caalamka.
Baadariyaasha Itoobiyaanku waxay intaa ku dareen in kaniisadda ay ka dhisanayaa magaalada Seylac ay noqoneyso tii 11-aad ee looga oggolaado dibadda maadaama sida ay sheegteen la siiyay dhul Soomaaliyeed oo istaraatiiji ah iyo baddiisaba.
Seylac waa magaalo taariikhi ah, waa halka ay Soomaali oo dhan ku abtirsanayso, waa saldhiggii diineed ee Soomaaliya iyo Muslimiinta geeska Afrika, waa halkii ay ka dhisnaayeen imaaradihii waaweynaa ee dalka laga xukumi jira, sidoo kale waa halkii uu dagaalka jihaadka ah ka ambaqaaday Axmad Gurey kuna qabsaday Itoobiya badankeed.
Baadariyaasha Itoobiya ayaa si cad u sheegaya maanta iney taariikhdaas cagta marinayaan, una badalayaan taariikh kiristan, dhulkana lasoo dajinayo dad Kiristan ah si ay u fidiyaan diintooda, una gumeystaan Soomaalida.