HomeAll newsMa laga yaabaa in Maamulada kale ee Soomaalya ka jiraa sida kan...

Ma laga yaabaa in Maamulada kale ee Soomaalya ka jiraa sida kan Somaliland Itoobiya bad siiyaan?

Madaxweynaha Somaliland ayaa Dhawaan Dowladda Itoobiya u saxiixay 20 kiloo mitir oo badda Soomaaliya ka mid ah ayna ku jirto dekedda magaalada qadiimiga ah ee saylac.

Qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa arinkaa si adag uga fal celiyay marka laga tago maamulada shisheeyuhu Soomaaliya ka dhisay oo iyagu masraxa la soo joogsaday warar hoosaasin ah oo ay ku dejinayaan dadka Soomaalyeed oo in ay kacdoomaan laga cabsi qabo.

Hadaba suura gal ma tahay in Madaxweynayaasha maamulada kale sidii madaxweynaha Somaliland Muuse biixi oo kale Itoobiya bad siyaan, maxaase la gudboon umadda Soomaaliyeed ee badooda yo berrigaba shisheeyaha qalanka loogu duugayo?.

Barnaamijka dhuuxa wareysiyada ee warbaahinta Alfurqaan waxaa xalay ku baxay falanqayn arimahaa iyo kuwo kale ku gadaaman oo ay nagala qayb galeen Sheekh Maxamed Garaar, Sheekh Muqtaar abuu Muslim nabadoon Maxamuud Cali Geedi iyo Ugaas Ibraahim Maxamed Isaaq.

Halkan ka dhageyso falanqeyn Cullimo iyo odayaal ka qeybgaleen

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular