HomeAll newsMaleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Mar Kale Xeebaha Badda Cas ku Weeraray Markab ay...

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Mar Kale Xeebaha Badda Cas ku Weeraray Markab ay Yahuuddu Leedahay.

Qaar kamid ah sarakiisha Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa warbaahinta u sheegay in ay bartilmaamsadeen mid kamid ah Marakiibta xiriirka la leh Maamulka Yahuuda oo marayay xeebaha badda Cas, xilli Waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ay digtay cawaaqibta ka dhalan karta weerarada Xuuthiyiinta.

Hadalka ka soo yeeray waaxda difaaca Mareykanka waxaa ka sii horeyay bayaan ka soo baxay Hay’adda qaabilsan howlaha ganacsiga Badda ee dowladda Ingiriiska oo ku dhawaaqday inay heshay, warbixin tibaaxaysa dhacdo ka dhacday Badda Cas gaar ahaan meel 50-Mayl dhanka badda kaga beegan galbeedka magaalada Al-Xudeydah ee dalka Yeman.

Hay’adda qaabilsan howlaha ganacsiga Badda ee dowladda Ingiriiska, ayaa intaas ku daray in ay baaritaan ku sameynayaan dhacdadaas, iyadoona maraakiibta kula talisay in ay taxadar muujiyaan.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in askartooda iyo kuwa dowlada Ingiriiska ay soo rideen 21 diyaaradood oo nuuca Drones ta ah, sidoo kale taliska Mareykanka ayaa sheegay in ay ka hortageen Saaruukh ay soo tuureen kooxda Xuuthiyiinta maalintii shalay kuna sii jeeday koonfurta badda Cas gaar ahaan marinada badda ee caalamiga ah.

Waxa uu intaas ku sii daray in aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaas ay Xuuthiyiinta ku qaadeen Marakiibta ganacsiga ee marayay badda Cas.

Afhayeenka pentagon-ka ninka lagu magacaabo Patrick Ryder ayaa tibaaxay in ay jiri doonan cawaaqib xumo ka dhalan doonta weerarada Xuuthiyiinta ay ka gaysanayaan Badda Cas.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa dhankooda sii kordhisay weerarada ay ku qaadayaan Marakiibta ganacsiga ee xiriirka la leh gumaystaha Yahuuda ee isticmaala xeebaha badda Cas, waxaana xusid mudan inta badan shirkadaha leh Marakiibta ganacsiga ee aada dhulka ay gumaystaan Yahuuda ee Falastiin ay joojiyeen isticmaalida badda Cas, iyagoo taa badalkeeda safar dheer ku soo mara Afrika.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa sheegay in ay sii wadi donaan weerarada ka dhanaka ah Marakiibta Yahuuda ee isticmaalaya xeebaha Badda Cas.

Dabaayqadii sannadkii tagay ayay aheyd markii uu Mareykanku ku dhawaaqay isbaheysi ka dhan ah Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, Ujeedada loo dhisay isbahaysiga ayay Washington ku sheegtay in ay tahay ka hortagga weerarada lagu beegsanaayo Marakiibta ay leeyihiin maamulka gumeystaha Yahuuda ee mara biyaha Badda Cas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular