Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in si gaar ah ay gurmad ugu direen saldhigyada ay ku leeyihiin magaalooyinka ay maamulaan kooxa kurdida ee baadiyaha gobolka Dayr-Az-Zuur ee waqooyiga Suuriya.
Sido kale, Ilo maxalli ah oo ku sugan Suuriya ayaa warbaahinta u sheegay in maalintii Axada ay gudaha Suuriya soo galeen Ciidamo Mareykanka ah oo ka soo tilaabay xuduud beenaadka ay wadaagaan Suuriya iyo Ciraaq.
Ciidamadan oo 2dii maalmood ee ugu dambeyay xoojinayay saldhigyada ay ku leeyihiin Suuriya ayaa si gaar ah u saldhigtay Gobolada Al-xasakah iyo Dayr-Az-Zuur.
Ilo xog-ogaal ah ayaa intaas ku daray in ciidamada ka soo tilaabay xuduud beenaadka ay wateen 15 gaari oo nuuca dagaalka ah iyagoo ka soo galay marinka Al-Waliid oo ku yaala xad beenaadka gobolka Al-Xasakah uu la wadaago dalka Ciraaq.
Sidoo kale, Laba diyaaradood oo ah nuuca xamuulka qaado ayaa habeenkii xalay ku dagay saldhigga (Kharab Aljir) ee gobolka Al-Xasakah.
Gurmaadkan ayaa noqonaayo midkii ugu horeeyay ee sanadkaan cusub 2024 loo soo diro saldhigyada ay ku leeyihiin Ciidamada Mareykanka Suuriya gaar ahaa gobolada Dayr-Az-Zuur iyo Al-Xasakah.
Ciidamada Mareykanka ayaa duullaan gardarado ah ku joogo dalka Suuriya tan iyo sannadkii 2014kii, iyagoo saldhigyo ku leh gobolada ay maamulan maleeshiyaadka la magac baxay Ciidamada Dimquradiga Suuriya ee maamula goboladda Dayr-Az-Zuur, Al-Xasakah iyo Raqqa.
Dowlada Mareykanka ayaa si gaar gurmad ugu dirta saldhigyada ay ku leedahay Suuriya, iyado ay xusid mudan tahay in gobolada ay fariisimaha militari uu ka samaystay Mareykanka ay yihiin gobolo hodan ku ah Shidaalka.
Xukuumadda Washington ayaa si joogta ah u bobta shidaalka dalka Suuriya, sida lagu sheegay warbixinno horraan loo baahiyay.
Marka laga yimaado boobka iyo bililiqada uu Mareykanku ku hayo dalkaan, waxa uu sidoo kale geystay xasuuqyo iyo gaboodfallo foolxun oo ay kula kaceen dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Suuriya, iyagoona dilay kumannaan ruux oo Abriyo ah.
Tallaabada uu Mareykanku ciidamada ugu diray Suuriya ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay dalkaasi kusii xoogeysteen weerarada loo adeegsanayo diyaaradaha Drone-ka ah iyo sawaariikhda ee lagu beegsanayo saldhigyada ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin wadamada Ciraaq iyo Suuriya.