Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa lasoo wareinayaa in maalintii shalay oo Talaado aheyd ay weerar ku qaadeen, Markab u rarnaa Maamulka Yahuudda oo marayay xeebaha Badda Cas.
Afhayeenka mellatariga kooxdaan oo lagu magacaabo Yaxya Sariic ayaa shaaca ka qaaday, in ciidanka Badda ee Maleeshiyada Xuuthiyiinta fuliyeen weerar sawaariikh loo adeegsaday oo ay ku beegsadeen markab u rarnaa Kayaanka Suhyuuniga ah.
War qoraal ah oo uu Yaxya Sariic soo dhigay barta uu Telegramka ku leeyahay ayuu ku sheegay, in tiro sawaariikh ah ay la beegsadeen markabka oo uu sheegay inuu ku wajahnaa dhulka Filastiin ee ku hoos jira gumeysiga Yahuudda, ayana jiraan waxyeello ka dhalatay weerarkaas.
Afhaayeenka mellatariga Xuuthiyiinta ayaa ku goodiyay iney sii wadi doonaan weerarada ay ka fulinayaan biyaha Bdda Cas, islamarkaana ay ku beegsanayaan maraakiibta uraran Kayaanka Suhyuuniga ah.
Mareykanka Ingariiska oo aad uga soo horjeeda tasarrufaadka Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa weeraro ballaaran ku qaaday dalka Yeman. kuwaas oo ay ku beegsadeen xarumo ay leeyihiin kooxda iyo dhismayaasha dadka shacabka ah.
Halkaan Ka Daheyso Wararkii ugu dambeeyay ee caalamka 17 01 2023