Dagaaladan oo ahaa kuwa aad u xooggan ayaa waxaa lagu jabiyay ciidamada DF gaar ahaan kuwa Gorgor ee uu Turkigu tababaray, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Dagaalka waxaa lagu dilay laba taliye oo uu midkood caan ka dhex ahaa DF iyo baraha bulshada kuwaasoo ka ah Abaanduulaha Guutada 18-aad ee Gorgor Cabdi Maxamed Xasan (Suulnuug) iyo Abaanduulihii guutada 10aad ee Gorgor, halka uu ku dhaawacmay ku xigeenkiisa.
Ciidamada DF looga dilay dagaalka ugu yaraan waa 14, dhaawacuna wuu ka badan yahay sida ay noo xaqiijiyeen ilo kala duwan.
DF gudaheeda iyo baraha bulsahda waxaa aad looga hadal hayaa Abaanduulayaasha dagaalka lagu dilay gaar ahaan Abaanduulaha Guutada 18-aad ee Gorgor Cabdi Maxamed Xasan (Suulnuug) kaasoo caan ka ahaa baraha bulshada.
Marar badan waxa uu ninkan iska soo duubi jira muuqaallo isagoo goodinaya, muuqaaladiisii ugu dambeeyay midkood wuxuu ku goodiyay in roobka uu xayirayo ciidanka uu wato, balse markii uu roobka istaago uu ku duulayo degaanada wilaayada islaamiga ah ee Mudug.
Todobaad ka hor, ciidamada DF ayaa sidan oo kale ugu jabay Mudug, laakin khasaarahan ayaa ka badan kii hore ee isla duleedka camaara maadaama ay ku naf waayeen laba Amaanduule iyo ciidamo badan.