Hey’adda Qaramada Midoobey ayaa war kasoo saartay, Weerar Madaafiic ah oo ay habeenimadii Khamiista ee lasoo dhaafay ay guutada Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, Xerada Xelane oo ah taliska ugu weyn ee ay shisheeyuhu ku leeyihiin Soomaaliya.
Warka kasoo baxay Qarmada Midoobay ayaa ugu horreyn lagu sheegay in ay Cambaareynayaan Weerarka, waxaana sido kale lagu qirtay, in Tiro Hoobiyaal ah ay kusoo dhaceen gudaha Xerada, kuwasoo uu ku dhintay mid ah ilaalada Qaramada Midoobay.
“Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo nabad-galyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynaya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisika Soomaaliya. Waxaan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaana dareenkeena uu la jiraa qoyska iyo saaxiibada dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag, ayey tiri ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,
Marka lagasoo Tago dhimshada ka dhalatay Weerarkan, waxaa jira Burbur soo gaaray dhimaha Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin gudaha Xalane, sida lagu sheegay warka ay soo saartay Qarmada Midoobay.
Ugu dambeyntii waxay xustay iney wali ka go’antahay sii wadida Taageerada ay la garabtaagantahay DF, oo ay sheegtay iney ku dhisayaan wax ay ugu yeertay Nabad iyo Xasilooni sida ay hadalka udhigtay.