Duqeymiyihii ay isbaheysiga uu hogaaminayo Mareykanka ku qaadeen dalka Yeman kadib, xukuumadda Qadar ayaa si rasmi ag ugu dhawaaqday iney hakisay isticmaalka maraakiibteeda shidaalka qaada ee mara xeebaha Badda Cas.
Qadar Energy oo ah sharikadda Tamarta ee xukuumadda Dowxa ayaa shaaca ka qaaday iney hakiyeen shixnadaha gaaska ee ay dowladdaasi leedahay islamarkaana mara xeebaha Badda Cas, maadaama ay sii xoogeysatay xiisadda ka taagan halkaas.
Ugu yaraan 5 kamid ah maraakiibta siday gaaska dabiiciga ah islamarkaana marayay xeebaha koonfureed ee Badda Cas ayay sharikadda Tamarta ee xukuumadda Dowxa sheegtay in la joojiyay, maadaama ay xeebahaasi noqdeen kuwo midooyinkii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen weerarada Xuuthiyiinta ee beegsanaya maraakiibta ku socdaaleysa Badda Cas.
Tani ayaa ka dhigan in dowladda Qadar, gaar ahaan sharikadaheeda shidaalka ay si rasmiha ah ugu biireen sharikaadka reer galbeedka iyo kuwa reer bariga ee shaaciyay iney joojiyeen isticmaalka biyaha Badda Cas.
Xukuumadaha walaaca daran ka muujinaya saameynta dhaqaale ee kasoo gaari karta isticmaalka xeebaha Badda Cas waxaa kamid ah dowoladda Shuuciyadda ee Shiinaha, taas oo sheegaysa inuu mugdi sii galayo isticmaalkooda xeebahaas, sababo ku aaddan xiisadda colaadeed ee Mandiqadda ka taagan.
Isbehsiga ay hogaaminayaan dowladaha Mareykanka iyo Ingariiska ayaa dhawaan duullaan ballaaran ku qaaday dalka Yeman, iyagoona beegsaday xarumaha maleeshiyaaadka Xuuthiyiinta ee ku yaalla dalkaas iyo dad shacab ah.
Waxa ay duullaankooda ku sheegeen inuu yahay mid ay kaga hortagayaan halista ay kooxdaan ku heyso maraakiibta u aran Yahuudda ee isticmaalaya xeebaha Badda Cas, ayna sii wadi doonaan weerarada nuucaan ah.
Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa dhankooda ku goodiyay ineysan joojin doonin beegsiga maraakiiibta isticmaaleysa xeebaha Badda Cas, duullaankii ay dhawaan kusoo qaadeen Yeman ayayna kooxdu sheegtay ineysan wax saameyn ah ku yeelan sii socoshada weeraradooda beegsanaya maraakiibta.