Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii dowladda Xabashida Itoobiya ahna wasiirkii arrimaha dibadda ee xukuumadda Adis Ababa ninka lagu magacaabo Demeke Mekonnen ayaa shaaca ka qaaday inuu xilka iska casilay.
Ninkaan ayaa kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada oo dagaal adag kula jirta dowladda Xabashida Itoobiya, mana cadda sababta uu isku casilay.
Demeke Mekonnen ayaa ahaa Raysal Wasaare xigeenkii ugu muddada dheeraa Itoobiya waxaana loo magacaabey xilka dabayaaqadii 2020-kii waxa uunalabadii jagoba iska casiley shaley oo Jumco aheyd.
Demeke waxa kale oo uu iskaga tagey xubinnimadii uu ka hayey xisbiga Barwaaqo oo uu ku metelayey qoomiyadda Axmaarada.
Abiy Axmed waxa uu isla markiiba Demeke ku beddelay Agaasimihii hore Sirdoonka Itoobiya Temesgen Tiruneh.
Magacaabidda Tiruneh ayaa laga dhex shaaciyey kulan ay lahaayeen xubnaha sare ee Xisbiga PP.
Wasiirka shaqada ka tagey ayaa 2012 loo doortey reysul wasaare xigeen isla markaana waxa xilka wasiirnimo loo magacaabey November 2020 xilligaas oo uu bilow ahaa dagaalkii Tigreegu.
Demeke waxa xilkan uga horreeyay Gedu Andargachew oo hadda ay wararku sheegayaan in uu xabsi guri ku jiro.
Demeke Mekonnen waxa uu 2008 noqdey Wasiirkii Waxbarashada ee xilligii Meles Zenawi Ra’iisul Wasaare ka ahaa Itoobiya.
Iscasilaada Demeke ayaa waxay kusoo aadeysaa kadib markii todobaadkan laga ceyriyey kuxigeenka madaxa Xisbiga talada haya, iyadoo booskiisa lagaliyey taliyaha nabadsugidda Xabashida Itoobiya.