HomeAll newsSaraakiil Katirsan Murtazaqada Xisaamul Amni oo Lagu Dilay Qaraxyo ka Dhacay Dalka...

Saraakiil Katirsan Murtazaqada Xisaamul Amni oo Lagu Dilay Qaraxyo ka Dhacay Dalka Yeman.(Sawirro)

Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiratul Carab ayaa saacadihii lasoo dhaafay fuliyay weeraro qaraxyo ah oo lagu beegsaday kolonyo katirsan Maleeshiyaadka uu Imaaraatku taba bartay ee la magac baxay Xisaamul Amni, kuwaas oo sababay dhimashada saraakiil muhiim u ahaa maleeshiyaadkaas.

War kasoo baxay Mujaahidiinta Ansaaru Shareecad ee dalka Yeman ayaa looga hadlay howlgalladaan qaraxyada ah ee lagu beegsaday saraakiisha katirsan maleeshiyaadka Xisaamul Amni ee dhibaatada daran ka wada dalkaas.

“Qarax Muwaajaho ah ayaa lala beegsaday gaari C/bile ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaadka Xisaamul Amni, kaas oo sababay in gabi ahaanba uu gaariga gubto, islamakrkaana ay ku halaagsamaan saraakiisha kala ah, Caarif Qaasim oo ahaa hogaamiyihii watay maleeshiyaadka la qarxiyay, iyo Camaari Cali Xamaadi oo isana ahaa taliye guuto katirsan Murtazaqada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee dhulka Jaziiratul Carab, laguna faafaahinayay howlgallada qaraxyada ah ee lala beegsaday sarakiisha Xisaamul Amni.

Waxaa sidoo kale warka lagu sheegay in 9 kamid ah Maleeshiyaadka Xisaamul Amni ay ku dhaawacmeen qaraxaan oo si gaar ah kaga dhacay Mandiqadda Muudiyah ee dhacda gobalka Abyan, kuwaas oo qaarkood ay dhaawacyadoodu yihiin kuwa halis ah, maadaama ay ku dhex gubteen gaariga lagu qarxiyay.

Isla xilligaas waxay sidoo kale Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah gaar ahaan guutada qararxyada ay fuliyeen weerar labaad oo qarax ah islamarkaana lagu beegsaday gaari ay wateen askar katirsan Maleeshiyaadka Xisaamul Amni.

Weerarkaan labaad waxa uu isana ka dhacay Mandiqadda Muudiyah ee gobalka Abyan, waxaana lala beegsaday gaari C/bile ah oo ay la socdeen askar katirsan Maleeshiyaadka Xusaamul Amni, kuwaas o dhimasho iyo dhaawac uqeybsamay.

Howlgallada lagu beegsaday saraakiishaan ayaa qeyb ka ah Xamlada Sihaamul Xaq ee ay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee dhulka Jaziiratul Carab kaga hortagayaan Maleeshiyaadka Xisaamul Amni ee duullaanka kusoo qaaday dhulka lagu maamulo Shareecada islaamka ee ku yaalla Koonfurta Yeman.

Saraakiil badan ayuu Imaaraatku ku waayay dagaalkaan uu ku iclaamiyay Mujaahidiinta, waxaana saraakiishaasi kamid ah C/Ladhiif As-Sayid oo ahaa hogaamiyihii maleeshiyaadka Xisaamul Amni ee gobalka Abyan, kaas oo lagu dilay qarax ay Mujaahidiinta kula beegsadeen Mandiqadda Muudiyah ee gobalka Abyan.

Hoos ka eeg Sawirrada:

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular