HomeAll news17 Katirsan Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Lagu Dilay Weeraro ka Dhacay Dalka Yeman.

17 Katirsan Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Lagu Dilay Weeraro ka Dhacay Dalka Yeman.

Warbaahinta taabacsan Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee dalka Yeman ayaa shaaca ka qaaday, in maalintii Santida la aasay 17 kamid ah maleeshiyaadka kooxdaas, kuwaas oo ku dhintay duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Ingariiska ka fuliyeen dalka Yeman.

Wakaaladda wararka Saba.net ee taabacsan kooxda ayaa shaaca ka qaaday, in askarta la dilay oo ay ku jiraan canaasir katirsan kuwa amniga lagu aasay maagaalada Sanca, iyadoo shaacisay magacyada 17-ka askari iyo darajooda, mana xusin waqtiga la dilay maleeshiyaaadkaas.

Dowladda Mareykanka ayaa habeennimadii Jimcaha ee lasoo dhaafay waxa ay sheegtay iney duqeymo xooggan la beegsatay fariisimo ay ku sugnaaayeen maleeshiyaaadka Xuuthiyiinta, iyadoo xustay iney beegsatay 4 doomood iyo sawaariikh loo diyaariyay in lagu weeraro Maraakiibta isticmaasha biyaha Badda Cas.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ku xiran xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa sii kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan xeebaaha Badda Cas ee ay ku beegsanayaan maraakiibta ganacsi ee xeebahaasi isticmaala.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ingariiska ayaa tan iyo bishii January waxay dalka Yeman ka fuliyeen silsilado duqeymo ah oo laala beegsaday mawaaqic ama fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Xukuumadaha Washington iyo London ayaa sheegatay, in hadafka laga leeyahay weeraradaasi duqeymaha ah ay tahay, sidii looga hortagi lahaa islamarkaana loo yareyn lahaa tahdiidka amni ee ay kooxdaani ku heyso socdaalka Badda Cas.

Duqeymaha kadib Maleeshiyada Xuuthiyiinta ayaa billaabay iney beegsadaan Maraakiibta Mareykanka iyo kuwa Ingariiska ee ku sugan Mandiqadda, waxayna ku goodiyeen in ay beegsan doonaan maraakiib waliba oo ay dowladahaan leeyihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular