Ugu yaraan 5 Askari oo American ah ayaa ku dhintay diyaarad Helicopter ah oo kula burburtay bariga gobalka California ee dalka mareykanka.
Diyaaradda ayaa la waayay saacado un kadib markii mowjado roobab iyo baraf daran ah ay ku dhifteen qeybo kamid ah Mandiqadda, taas oo ugu dambeyn la xaqiijiyay burburkeeda.
War kasoo baxay taliska ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay, in diyaaradda xilligii ay burbureysay ku guda jirtay howlo tababar ah.
Roobabka iyo barafta ku da’ay Mandiqadda ayaa lasoo sheegayaa iney geysteen khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.
Gobalka Mareykanka ayaa waxaa marar badan laga soo tabiyay dhacdooyin nuucaan oo kale ah, kuwaas oo la xiriira burburka diyaaradaha qumaatiga ukaca ee loo yaqaanno Helicopters-ka.
Sidoo kale waxaa dalkaan marar badan ka dhacay musiibooyin Rabaani ah, kuwaas oo gallaaftay nolosha dad badan oo Amwrican ah, xukuumadda Xukuumadda Washington ayaana dhibaatooyin darn ka geystay illaa iyo haddana ka wado wadamo badan oo dhaca caalamul islaami.