HomeAll newsBAYAAN: Howlgalkii Saldhiga Imaaraatka Wuxuu Aargud u ahaa Reer Qazza.

BAYAAN: Howlgalkii Saldhiga Imaaraatka Wuxuu Aargud u ahaa Reer Qazza.

War saxaafadeed ku qoran luuqadda Carabiga oo kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu bogaadiyay howlgalkii cuslaa ee ka dhacay saldhiga Imaaraatka Carabta ee Muqdisho.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay 17 sarkaal oo uu kujiro Taliyihii howlgalka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Muxamad Mubaarak, inuu aargud u ahaa Muslimiinta Qazza ee la kulmaya gumaadka adag, maadaama Imaaraatku yahay xaliifka ugu dhow ee Yahuudda.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalkaas uu laab qaboojin u ahaa muslimiinta dalalka Liibiya, Suudaan iyo Yemen, kuwaasoo dadka kunool ay la dhibanyihiin hagardaamada dowladda Imaaraatka Carabta.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay shaaca ka qaaday in iyadoo ribaad kaga jirto bariga Afrika, ay hadana marnaba hilmaameynin qadaayaatka Muslimiinta, difaaca koonfureed ee Islaamka oo ay ku aadantahayna inaan Muslimiinta looga imaan doonin.

Halkan ka akhriso bayaanka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular