Gobolka Florida ee dalka mareykanka waxaa ka dhacay, shil sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.
Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen, gaari iyo diyaarad nooca yaryarka, xilli ay isku dayaysay iney kusoo degto wadada 75 ee marta mandiqad dhacda koonfurgalbeed gobolkaasi, wuxuuna garabkeedu ku dhacay gaari ay halkaasi ku kulmeen.
Diyaaradda ayaa sidii ay gaariga usii waday waxay ku dhufatay darbi ka agdhawaa goobta ay wax ka dhaceen, waxaana dhacday iney halkaasi ku basbeelaan kadib markii uu dab kakacay, sida lagu arkayo muuqaal kooban oo la duubay kadib markii uu shilku dhacay.
Labo qof oo mareykan ah ayaa ku dhintay shilka, halka sidoo kale burbur baaxadleh uu soo gaaray diyaaraddii iyo gaarigii intaba.
Goob jooge ayaa sheegay inuu arkay qeyb kamid ah diyaaradda oo iydoo bubursan taalla wadada dhexdeeda, wuxuuna intaas ku daray inuu arkay diyaaradda oo uu holac kabaxayo.
Shilalka noocaan ah ayaa ah kuwo dhif iyo nadir oo horay uga dhacay caalamka sanadadii lasoo dhaafay.