Maalinkii 4-aad oo xiriir ah waxaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada hoose ka dhacay dagaallo lagu jabiyay ciidamada DF, kuwaas oo khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay askarta dowladda.
Dagaallo culus ayaa maanta markale ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Buulo-guduud iyo Farwaamo ee dhaca duleedka Kismaayo, waxaana weerarkaan ka dhashay khasaare nafeed.
Dagaallada maanta dhacay waxaa lasoo warinayaa iney dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 10 askari oo katirsan DF.
Ku dhawaad 30 Askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaallada 4-ta maalmood ka dhacay duleedka magaaladaan, waxaana askarta iyagoo firxad ah ay dib ugu laabteen degaannada ay kasoo baxeen.