Dowladda fedaraalka ayaa maanta maalin Taariikhi ah ku tilmaantay, kadib markii kheyraadka badda Soomaaliya ay ku wareejisay dowladda Turkiga.
Golaha Wasiirrada DF ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku meel mariyeen heshiis lagu bixinayo kheyraadka Badda Somaliya oo lala galay dowladda Turkiga oo horay ula wareegay iliha dhaqaale ee Muqdisho.
Kulanka wasiirada waxaa shir gudoominayay Ra’iisal wasaaraha DF Xamsa Cabdi Barre, waxa ayna isku raaceen oo hanaan gacan taag ah ku ansixiyeen in xukuumadda Turkiga ay awood uyeelanayso in ay qaadato kheyraadka badda Soomaaliya 30%
Xamse oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah, go’aanka la qaatayna ka dhigaya mid dhaxalgal ah.
Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sidoo kale sheegay, in heshiiskan uu soo afjarayo in bada ay iibsadeen cadow looga baqo sida uu hadalka u dhigay, isagoona heshiiskan ayTurkiga kusiiyeen dhaqaalaha Soomaliya ku sheegay mid kor dhinaya dhaqaalaha khayraadka ee Badda.
Dowladda Turkiga oo ah dowlad Cilmaani ah ayaa qeyb ka ah Isbahaysiga NATO ee uu hogaamiyo Maraykanka, Waxayna dowladdaan ka qeyb qaadatay duulaanka ka dhan ah Muslimiinta ee ka socda wadamada caalamka Islaamka.
Heshiiskaan ay ansixiyeen golaha wasiirrada ayaa kusoo beegmaya xili DF maalmihii lasoo dhaafay ay heshiiska dhanka amniga ah la gashay dowladdo ay kamid tahay dowladda Uganda.
Dowladda Xasan sheekh ayaa u aragta in heshiiskaan uu cadaadinayo Adis-Ababa oo ku howlan inay la wareegto qeyb kamid ah badda Soomaaliya, xilli aan ognahay in xeriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Itoobiya iyo Turkiga