Ciidamo ka tirsan sirdoonka dowladd federaalka oo gawaarida dagaal wata ayaa xalay weerar ku qaaday reero daggan degmada Afgooye ee gobalka shabeelaha hoose,
Howlgalka Ciidamada ayaa waxaa ku dhintay Maxamed Cali Geedi iyo Ciise Aadan Surwaal oo kamid ahaa dadka ku nool degmada Afgooye iyagoo sidoo kale dhaawacay 5 ruux oo ku sugnaa gudaha guriga sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelka dadka la laayay.
Ciidamada dowladda ayaa ku andacooday iney baadigoobayeen waxay ugu yeereen dad dambiilayaal ah laakin ay waayeen,
Cismaan Cali geedi oo la dhashay Ninka la dilay iyo haweenay kale oo qaraabo ah aabaha dhintay ayaa la hadlay warbaahinta Alfurqaan iyagoo faafaahiyay sida ay wax udhaceen iyo argagax qoyska soo wajahay.
Halkan ka dhageyso Codka Ehelka.
Xeerka waxa loogu yeeray la dagaalanka argagixisada oo ay baarlamaanku ansixiyeen sannadkii lasoo dhaafay ayaa dhigaya in reero iska hurda la weerari karo, wixii ciidanku geystaanna aan la isku raacan karin.