Ciidamada Itoobiya ayaa Dhowr iyo tobankii sano ee u Dambeeyay ee ay Gobalka Baay ku sugnaayeen waxay laayeen qaarka mid ah Dadka Gobalka iyagoo kuwo kalena dhaawacay.
Ciidamadu waxay hor istaageen wax soo saarka Gobalka qaarkii, iyagoo degay oo Xeryo Ciidana u bedelay Dhul beereedkii ugu wax soo saarka badnaa Degmada Qansax dheere.
hadaba Falanqeyn ku saabsan dhibka Ciidanka Itoobiya horseedka u yihiin ee Gobalka Baay ka jira iyo dadkii ay Dileen intii ay Joogeen waxaa inooga waramay oo Falanqeyn aan u qabanay qaarka mid ah Hogaamiyaasha dhaqanka Gobalka Baay iyo Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Wilaaayaadka Islaamiga ah Sheeh Ibraahim Sheekh Cali Nuur (Shaaricul Islaam)