Diraasad cusub oo ay baahisay xarunta CTC-sentinal ee taabacsan kulliyada milliteriga ee West Point ee wasaaradda dagaalka ee Maraykanka, ayaa looga hadlay furinta furan ee ka holceysa baraha bulshada, taasoo ay isku hayaan warbaahinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo ansaarteeda oo dhinac ah iyo reer galbeedka iyo Dowladda Federaalka oo dhinac ah.
Diraasadan oo soo baxday bishii January ee sanadkan 2024-ta, waxay ku timid dabogal iyo baaritaanno bilooyin socday oo xarunta West Point ay ku heysay dhaq-dhaqaaqa warbaahineed ee baraha bulshada, waxaana ugu dambeyntii uu baaritaanku soo gudbinayaa qeyb kamid ah istiraatiijiyadda warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Diraasaddu waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku tilmaameysaa iney tahay jamaacada ugu hodansan, uguna dagaalka adag guud ahaan furuucda Al-Qaacida ee ku firirisan dunida, taasoo ka howlgaleysa bariga Afrika tan iyo sanadkii 2006-da.
Sida ay sheegeyso warbixinta, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay had iyo goor ku hor sugnaataa xamalaatka lagu dooanyo in lagu cirib tiro, si taas lamid ah waxay leedahay istiraatiijiyad horumarineed oo ku aadan baraha bulshada, taasoo qalqal kugu beereysa, islamarkaana muujineysa kafaa’ada iyo kartida ay ku tilmaamanyihiin fariiqa u qaabilsan arimaha warfaafinta.
Weerarkii Westgate Mall ee September sanadkii 2013-ka ayay ahayd markii ugu horeysay oo ay Xarakada Al-Shabaab kasoo muuqato baraha bulshada, si gaar ah barta Twitterka ee hadda X loogu yeero, xilligaas xafiiska Warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab uu furay bar soo gudbineysay update cusub oo ku saabsan waxa ka socday mallka dhowrka maalmood.
“ Guusha Xarakada Al-Shabaab ee mandiqadda waxay ku timid inteeda badan in Al-Shabaab ay isku bandhigaan iney yihiin badiil la isku halleyn karo oo buuxin kara booska Dowladda Federaalka, inkastoo aaney wax nariis ah aaney aqoonin, marka loo eego deegaannada ay maamusho, iyo muuqaallada ay baahiso intuba” ayay leedahay diraasadan cusub, taasoo dabcan raxmad la’aanta ula jeeda fulinta xuduudaha sharciga ah.
2022-kii, markii Xasan Sheekh dib loogu doortay hogaaminta Dowladda federaalka, wuxuu ku dhawaaqay dagaal ballaaran oo lagu dooanyo in lagu ciribtiro Mujaahidiinta, inkastoo ololahan uu heley taageero gobol iyo mid caalami ah, hadana waxay Al-Shabaab sugtay iney tahay awood aan la loodin karin, sida ay tilmaameyso diraasadda CTC ee Westpoint.
Horaantii 2023-da, waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dib ula wareegtay badi deegaannadii ay la wareegeen ciidamada Dowladda Federaalka iyo diyaaradaha wehlinayay, waxaana weli ay wadaa keydsashada hubka badan ee ay ku furaneyso dagaallada, halka ay qoraneyso ciidamo horleh oo isuga jira Soomaali iyo muhaajiriin kasoo jeeda wadamada bariga Afrika.
“ Awoodda ciidan ee Xarakada Al-Shabaab, waxay mar weliba ku xoojineysaa mid warbaahineed oo gundheer, muuqaallada sida wanaagsan loo soo intaajiyay, waqtiga ugu haboonna lagu soo beegay ee ay soo saaarto Al-Shabaab, kana imaanaya baadiyaha Soomaaliya, ayaa si degdegsiimo leh u gaaraya laamiyada magaalada London. Ololaha warbaahineed ee ay kooxdu qaaday waxay u suurogelineysaa iney ilaashato awoodeeda, iyadoo xoojineysa oraahda ah iney tahay badiilka Dowladda Federaalka ee lagu kalsoonaan karo, iyadoo warar la isku halleyn karo usoo gudbineysa Soomaalida ku nool gudaha iyo dibadda intaba” ayay leedahay diraasadan cusub oo ciwaanka looga dhigay Furinta furan ee Internetka, iyo istiraatiijiyadda baraha bulshada ee Xarakada Al-Shabaab.
Marka laga hadlayo baraha bulshada, waxay diraasaddu tilmaameysaa in Xarakada Al-Shabaab ay leedahay istiraatijiyad sugan oo ku aadan ka faa’ideysiga iyo isticmaalka barahan, iyadoo taa bedelkeeda istiraatiijiyadda aaney ka warheynin ama la qabsan xubnaha la dagaalanka waxa loogu yeero xagjirka ee taabacsan dowladaha reer galbeedka iyo xitaa baraha bulshada ee ay dadku adeegsadaan.
Marka laga soo tago in diraasaddu soo bandhigeyso qaaab dhismeedka Xafiiska Warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay, waxay soo gudbineysaa khulaasada dabagal iyo korjoogteyn ay dhowr bilood ku heysay 250 ciwaan oo Telegram ah iyo iyo 190 account oo Facebook ah, taasoo ay kala kulmeen amakaag iyo dhabanno heysi, maadaama ay la fajaceen sida uu Matkabka Iclaamka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uu ahmiyadda u siiyo baraha bulshada, isagoo heysta dhalinyaro shaqeeya 24 saac oo xiriir ah.
Ka dhisme ahaan, wuxuu Maktabka Iclaamku ka koobanyahay, sida ay diraasadani cusub tilmaameyso afar waaxood oo muhiim ah, waaxda koowaad waa mu’assasada Al-kataa’ib, oo soo saarta maadooyinka maqalka iyo muuqaalka ah, markaa kadibna waxaa lagu wareejiyaa website-yada iyo ciwaannada ka furan baraha bulshada.
Qeybta labaad, waa xarumaha Idaacadaha, oo beegsanaya bulsha weynta Soomaalida, iyadoo dadka gaarsiineysa xogaha muhiimka ah ee ay doonesyo Xarakada Al-Shabaab iney gaarsiiso dadka ay maamusho, kuwaasoo aan deegaannadooda laga helin adeegyada Internetka, waxaana kamid ah Idaacadaha Andalus iyo Al-Furqaan, inkastoo maamulka Al-Furqaan marar badan ku celiyay iney yihiin warbaahin aan cidina hoostagin, hadafkooduna yahay iney soo gudbiyaan warar xaqiiqo ah oo la isku halleyn karo.
Qeybta saddexaad, waa website-yada, kuwaasoo ah ilo warar oo ku firirisan Internetka, waxaana kamid ah wakaaladda wararka ee Shahaada, Somalimemo iyo Calamada, inkastoo Shahaada iyo Somalimemo ay iyaguna marar badan sheegeen in shaabadaas lagu dhejinayo lagu doonayo in lagu hor istaago xorriyada Saxaafadda.
Qeybta afaraad waa baraha bulshada, halkaas oo ay xubno taabacsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku leeyihiin ku leeyihiin xisaabaad ay ku faafiyaan wararka muhiimka ah ee ay dooneyso Xarakada Al-Shabaab iney gaarsiiso dadweynaha, meelaha ugu caansan ee ay adeegsadaanna waxaa kamid ah Telegram iyo Facebook.
“ Xarakada Al-Shabaab waxay muujineysaa iney tahay awood isheysata oo aan habacsaneyn, marka laga hadlayo warbaahineeda, iyagoo soo bandhigaya sardiyad mideysan oo aan kala duwaneyn, taasoo muujineysa sida ay kooxdu u dareensantahay ahmiyadda fariimaha qorsheysan, waxayna fariimahan kugu imaanayana goob weliba oo kamid ah baraha bulshada, ujeedkuna wuxuu yahay in la xoojiyo dhabnimada fariintooda, iyo iney leeyihiin misdaaqiyad ka xoog badan tan Dowladda Federaalka, iyadoo jamhuurkeeda usoo bandhigeysa war biyo kama dhibcaan ah” ayay leedahay diraasadda ay baahisay waaxda CTC ee taabacsan kulliyada arimaha milliteriga ee Westpoint.
Inkastoo Dowladda Federaalka ay warbaahinta madax banaan u diiday faafinta wararka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayna horey ugu dhawaaqday iney xirtay baraha Telegram iyo Tiktok, hadana diraasadani waxay tilmaameysaa in Xafiiska Warfaafinta ee Al-Shabaab aaney waxba u dhibin go’aannadaas, si fududna uga gudbeen caqabadihii soo wajahay markii ay cusbaayeen qaraaraatkaas.
Marka laga hadlayo wujuudka Xarakada Al-Shabaab ee baraha bulshada, waxay diraasaddu ku tilmaameysaa inuu yahay wujuud markazi ah, oo leh hogaan dhexe, kuwaasoo shaqadoodu tahay iney keenaan habka ugu wanaagsan ee loo gudbin karo fariinta ay doonayaan, iyo iney kor joogteeyaan habka ay shaqada u gudanayana ergada sida xulan loo soo doortay ee ku faafsan baraha bulshada, kuwaasoo markasta hela towjiihaad iyo talooyin ku aadan sida ay ula falgeli karaan caqabada uga imaanaya baraha bulshada.
Kala dambeynta iyo Indibaadka ay ku tilmaamanyihiin xubnaha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee isticmaala baraha bulshada ayay aad ula amakaagtay diraasadda, iyadoo sheegeysa in boqollaal xisaabaad oo ka furan baraha bulshada ay ku celcelinayaan, iyagoo aan hal xaraf ka bedelin, qoraalka rasmiga ah ee kasoo baxay Xafiiska Iclaamka.
Marka laga hadlayo isticmaalka baraha bulshada ee xubnaha katirsan Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxay diraasaddu sheegeysaa iney ka koobanyihiin dhowr qeybood, kuwaasoo midba midka kale uu xoojinayo.
Qeyba ugu muhiimsan waa koox yar oo hal abuurayaal ay ku tilmaamtay diraasadda, taageeriyaasha Al-Shabaab dhexdoodana ku leh sumcad iyo ixtiraam weyn, waxaana ay sidoo kale leeyihiin xorriyad jaan go’an oo ay ku hormarin karaan asaaliibta ay ku gudbin karaan fariimaha ay doonayaan iney bulshada gaarsiiyaan.
Waxay sidoo kale ka dhiganyihiin ilo wareedyo muhiim ah, oo soo gudiyba wararka gaarka ah, tusaale marka ay dhacayaan weeraro waaweyn, waa dadka ugu horeeya ee daqiiqado kadib marka uu howlgalku billowda kusoo qora baraha bulshada khabarka ah inuu jiro weerar culus oo ka socda meel hebel.
Mustawaha labaad, waxaa ku jira xisaabaad aad u badan oo howshoodu tahay iney ku celceliyaan, oo ay faafiyaan warka ay tabiyeen xubnaha hal abuurayaasha ah, qeybtani ma heysato rukhso u ogolaaneysa curinta muxtawo cusub, waxa ugu weyn ee ay shaqadoodu tahay ayaana ah iney meel weliba gaarsiyaan fariinta soo baxday, iyagoo aan waxba ka bedeleynin.
Diraasaddu waxay dhinac kale tilmaameysaa in istiraatiijyadda baraha bulshada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka guuleystay caqabadaha la xiriira in ciwaannadooda la tiro, heer hal abuurayaasha katirsan Xafiiska Warfaafinta ay ku faanaan inta jeer ee ciwaankooda la tiray, iyagoo ma daalayaal ah, soo rogaal celin badan ayay sheegayaan in ciwaankani yahay kii 141aad oo la xiro, sidaasoo ay tahayna uu weli u mamanyahay qabsashada howshiisa.
Waxay tusaale usoo qaadaneysaa ciwaan Facebook oo maalin keliya la xiray 7 jeer, illaa ugu dambeyntii uu ku guuleystay in kii 8aad uu ku qabto shaqadii uu doonayay, isagoo aan laga xirin, tani oo muujineysa in xubnaha Al-Shabaab ee baraha bulshada ay ka dhiifoonyihiin kuwa shirkadaha baraha bulshada, sida ay tilmaameyso diraasadda.
Inkatoo baraha Telegram iyo Facebook ay bilooyinkii lasoo dhaafay isku howleen saaridda ciwaananda taageersan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, hadnaa waxay diraasaddu ku doodeysaa iney u muuqato iney daaleen, iyadoo hadda Telegram iyo meelaha lamidka ah laga heli karo ciwaanno aan la tirin bilooyin xiriir ah.
Mid kamid ah arimaha muujinaya ahmiyadda ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab siineyso baraha bulshada, sida ay tilmaameyso diraasadda, waa iyadoo raadisa baro bulsho oo aan caan ahayn, kuwaasoo marka ay isticmaalkooda joogteeyeen noqonayo kuwa ay kusoo biiraan dad cusub, tani oo labada dhinacba ay dani ugu jirto.
Haddii laga hadlo qaabka ay isku dhaafsadaan xogaha iyo macluumaadka, xubnaaha taabacsan Xarakada Al-Shabaab ee baraha bulshada, waxay diraasaddu tilmaameysaa iney muujineyso inuu jiro xiriir daaha gadaashiisa ah, oo xoog badan, kaasoo dhexmaraya xubanaha hal abuurada ah iyo kuwa ay howshoodu tahay faafinta wararka rasmiga ah ee xisaabadaadkaasi soo daabacaan.
“ Tusaale, 27-kii September 2023-da, mu’assasada Al-Kataa’ib waxay soo saartay muuqaal kooban oo soconaya saddex daqiiqo, kaasoo soo gudbinaya weerar ka dhacay mandiqad lagu magacaabo Nuur Dugle, daqiiqado kadib markii uu muuqaalku soo dhacay waxaa lagu faafiyay 13 ciwaan oo Telegram ah, iyadoo la isticmaalayo qoraal mideysan, tansiiqaas iyo wada shaqeyntaas waxay keentay in daqiiqado gudahood ay filimku daawadaan 5000 oo ruux” ayay leedahay diraasadda uu baahiyay CTC ee taabacsan kulliyadda milliteriga Maraykanka ee West Point.
Marka laga hadlayo hab gudbinta xogaha la xiriira weerrarada culus ee ay fuliyaan Mujaahidiinta, waxaa inta uu cusubyahay lagu baahiyaa baraha bulshada, daqiiqado kadibna website-yada ayaa lagu soo qoraa, saacado gudahhoodna idaacadaha ayaa tabin toos ah billaaba, Idaacadaha ayaa tabin toos ah bilaabaya, waxaana xiga war saxaafadeed kasoo baxa xafiiska Warfaafinta, iyadoo isla saacado gudahooda ay Al-Kataa’ib baahiso sawirro muujijnaya waxa dhacay, halka todobaadyo kadibna ay mu’assasadu soo saarto muuqaal ka tarjumaya dagaalkii halkaas ka dhacay.
Marka laga soo tago in warbaahinta noocyadooda kala duwan ee taabacsan Xafiiska Iclaamka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uu baahiyo fariimaha Xarakada, waxay diraasadu tilmaameysaa iney dhinac kale soo gudbiyaan dhacdooyinka xiriirka la leh arimaha Soomaaliya.
Tusaale ahaan waxay usoo qaadanayaan dagaalka afarta bilood socda ee ay Yahuuddu ka wadaan Jiidda Qazza. “ tan iyo 07-dii Octobar waxay warbaahinta Al-Shabaab isku dayeen iney isku xiraan waxa ka socda Qazza iyo Soomaaliya, taasoo adkeysi iyo sumuud siineysa bulshada ku nool wilaayaadka Islaamiga ah, sufuufta Al-Shabaab kusoo biirineysa muslimiin badan oo kunool daafaha dunida, kuwasoo la tacaadhufsan waxa gaaraya reer Qazza.
Gebegebadii waxay diraasaddu leedahay “ arinka ugu weyn ee horseeday guusha Xarakada Al-Shabaab ee baraha bulshada, waa iyadoo dareentay iney isdhameystirayaan awodeedeeda meydaanka caskariga iyo wujuudkeeda baraha bulshada”.
Dhagayso Warbixin_Diraasadda_WestPoint_Istiraatiijiyadda_baraha_bulshada