HomeAll newsDowladda Itoobiya oo markale ku hanjabtay inay Badda Soomaaliya qabsanayso.

Dowladda Itoobiya oo markale ku hanjabtay inay Badda Soomaaliya qabsanayso.

Reysulwasaaraha Itoobiya ayaa hortagay golaha baarlamanka dalkiisa isagoo ujeediyay khudbad uu kaga hadlay damacooda ku aadan inay la wareegaan badda Soomaaliya.

Khudbada oo aheyd mid xasaasi ah oo dadka Itoobiyaanku ay aad  uwada sugayeen ayaa waxa uu markale ku hanjabay inay qabsan doonaan badda Soomaaliya isagoo ku mana sheegtay in Soomaaliya ay ku waayeen kumanaan Askari oo ku baxay gacanta
xarakada shabaabul mujaahidiin.

“Kumaan askari Itoobiyaan ah ayaa ku dhintay Soomaaliya iyagoo difaacaya dowladda federaalka soomaliya mana jirto dal kale oo sidaasi sameeyay dhiigna ubixiyay difaacida dowladda” ayuu yiri Abiy Axmed isagoo umuuqday mid ku faanaya in la’aanta dalkiisa aysan jiri laheyn dowladda federaalka

Waxa uu ku dheeraaday dhiiga ciidankaasi inuusan ciyaar ciyaar ku daadan  ayna dalkiisa ka go’antahay inuu gaarro badda cas.

Reysulwasaaraha Itoobiya ayaa sheegay bilihii lasoo dhaafay in kumanaan askari ay usoo tababareen dowladda xasan sheekh islamarkaana aysan marnaba isku dhici doonin oo wax dagaal ah uusan dhex mari doonin iyaga iyo dowladda federaalka.

Abiy waxa uu ku dheeraaday sababta ay udoonayaan inay utagaan badda cas isagoo muujiyay inay ka walaacsanyihiin xuutiyiinta oo bilihii lasoo dhaafay weeraro ka geystay badda cas.

“Waxa kaliya oo aynnu rabno waa badda cas, waxaana ku xiran jiritaankeena” ayuu yiri Abiy axmed isagoo tilmaamay oo is weydiiyay haddii ay sax tahay oo Itoobiya loo ogolaaday inay ciidamo udiraan Suudaan iyo Soomaaliya sababta xiligaan loogu diidayo inay bad helaan.

Abiy Axmed oo dafiraya taariikhda soo jireenka ah cadowtooyo ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo  Itoobiya ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in Soomaalida iyo Itoobiyaanku ay waxbadan wadaagaan sida dhaqan iyo diin.

Golaha baarlamanka Itoobiya ayaa lagu wadaa inay meel mariyaan heshiiska Itoobiya lagu siiyay badda kadibna waxa xigi doono sida Itoobiya ku fakarayso waa inay qabsato qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular