HomeAll newsDuulilayaal Udhashay Dalka Urdun oo ku Dhintay Shil Diyaaradeed.

Duulilayaal Udhashay Dalka Urdun oo ku Dhintay Shil Diyaaradeed.

Taliska mellatariga ee xukuumadda Urdun ayaa shaaca ka qaaday, in duuliyayaal katirsan ciidanka cirka ee dalkaasi ay ku dhinteen diyaarad nuuca dagaalka ah oo ku burburtay gudaha dalka Urdun.

Bayaan kasoo baxay taliska ayaa lagu xaqiijiyay, in ugu yaraan 2 duuliye ay ku dhinteen, diyaarad nuuca dagaalka ah oo ku burburtay woqooyiga dalkaas, xilli ay ku guda jirtay howlo tababar ah.

“Waxaan xaqiijinay burburka diyaarad ay lahaaayeen ciidanka cirka ee Urdun, nuuceeeduna ahaa “GROP” iyadoo ku guda jirto holwo tababar ah, taas oo ku burburtay xerada ciidamada cirka Malik Xuseyn ee ku taalla magaalada Mafraq ee woqooyiga boqortooyada Urdun” ayaa lagu yiri warka kaso baxay taliska.

Labada Duuliye ee ku dhintay shilkaan diyaaradeed ayaa lagu kala magacaabaa Cumar Cadaa iyo Maxamed C/laahi, sida uu sheegay masuul katirsan hogaanka guud ee ciidamada xukuumadda Urdun, kuwaas oo ku dhintay isbitaal ku yaalla dalka Cummaan oo loo qaaday iyagoo qaba dhaawac garaab ah.

Bishii June ee sannadkii 2022-ka ayay aheyd markii diyaarad nuucaan ah ay ku burburtay magaalada Irbid ee dhacda woqooyiga dalka Urdun, taas oo sababtay dhimashada 2 duuliye.

Balse dhacdadii ka horreysay midda hadda laga soo tabiyay dalka Urdun ayaa ku beegneyd 19-kii June ee sannadkii 2023-ka, taas oo ay ku dhaawacmeen 2 duuliye, kadib markii ay la burburtay diyaarad Helicobter ah oo ay saarnaayeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular