HomeAll newsIiraan oo Sheegtay Iney Fureyso Warshado ku Shaqeynaya Tamarta Neuclerka.

Iiraan oo Sheegtay Iney Fureyso Warshado ku Shaqeynaya Tamarta Neuclerka.

Nidaamka Shiiciga ah ee ka arrimiya dalka Iiraan ayaa si rasmi ah u shaaciyay, in koonfurta dalkaas uu ka hirgaliyay 4 warsahadood oo ku shaqeynaya Tamarta Neuclerka.

Wakaaladda wararka xukuumadda Tehran ayaa baahisay in warshahadaan la filayo iney soo saaraan tamar dhan 5,000 oo megawatt.

Sannadka 20241 ayay xukuumaddda Shiicada ah ee Iiraan sheegtay iney dooneyso soo saaridda tamarta lugniyeerka oo dhan 20,000 oo  megawatt, taas oo ay xustay iney wax ba badali doonto arrimaha Neuclerka ee dalkaas.

Tamar Neuclear oo dhan 1,000 megwatt  ayay iminka soo saartaa xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan, taas oo ladhisay  sanadka 2011 kadib markii ay taagero kaheleen Xukuumadda Moscow.

Gobalka shidaallka hodanka ku ah ee khuzestaan una dhow xuduuda ay lawadaagaan  dalka Ciraaq ayay sidoo kale xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ka dhiseysaa wershed weyn oo ku shaqaysa tamarta Neuclerka.

Tamar Neuclear oo dhan 3,000 oo megawatt ayaa la sheegay iney soo saari doonto warshaddaan ay xukuumadda Tehran ka hirgalineyso xuduudda ay la wadaagto Ciraaq.

Warbixinno ay horay usoo saartay hey’adda Qaramada Midoobey ayaa ku shaacisay in xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ay hormar kasameeneeyso hubka Neuclerka, tamar dhan  30,000 oo megawatt ayayna hey’addu xustay iney Iiraan awood u leedahay iney soo saarto.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular