HomeAll newsImaaraadka oo Meydadkiisi qaatay iyo Maraykanka oo dilkooda ka carooday.

Imaaraadka oo Meydadkiisi qaatay iyo Maraykanka oo dilkooda ka carooday.

Diyaarad Xamauul  Malateri ah oo sida Meydadka Saraakiil Imaraad ah oo iyaga iyo kuwo kale  Xalay Makhribku Xarakaada SHababaul Mujaahidiin howlgal inqimaasi ah ku laysay ayaa Maanta ka caga dhigatay Garoon ku yaal gudaha Dalkaas.

Sawiro la soo qaaday baa muujinaya Ciidamada Imraadka qaarkood oo dusha ku sida Meydadka Saraakiisha oo sanaadiiq ku jira.

Ciidamo iyo xubno kale oo murugeysan ayaa goobta ka Muuqanaya maadaama ay dhinteen Saraakiil laf dhabar u ahayd Imaaraadka.

Dowaldda Imraadka ayaa u diyaar garowday in ay meydadka duugato waxaana xusid mudan in Maanta la filayay in Saraaiishaanu Iyagoo nabad qabo Imaaraadka tagaan laakiin Xalay ayaa la toogtay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Bayaan ay Xalay soo saartay ku sheegtay in ay Howlgalka oo Muqdisho a dhacay ay ku dishay  17 Sarkaal oo ay ku jiraan Saraakiishii Imaaraadka ee Soomaaliya qaabilsanaa,

waxay sheegtay in sidoo kale ay dishay Calooshood u shaqeystayaal qaar caddaan yihiin kuwana Afrikaan yihiin laakiin Imaaraadka u shaqeynayay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa ka xumaaday in Imaraadka la laayay waxaanuu tacsi u Diray Dowladda imaaraadka.

Dowladda Maraykanka ayaa dhinaceeda ka carootay in Imaaraadka oo iyada iyo Yahuudda wada shaqeyn la leh Saraakiishii Soomaaliya u qaabilsaneyd dhegta dhiiga loo daro.

waxay sheegtay in ay Cmabareyneyso Weerarkaas ay geysatay Xarakada Shabaaabul Mujaahidiin.

Imaraaraadku waxa ay ka mid tahay Dowladdaaha Fara gelinta ku haya Soomaaliya iyagoo qayb ka ah mashruuca la yiraahod Argagaxiso la dirirka ee ka dhanka ah Dadka Muslinimadu ka dhab tahay.

IMaaraadka ayaa Ciidamo ku tabaabro Magaalada muqdisho kuwaasoo mushaarooda asigu uu bixiyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular