HomeAll newsInkabadan 40 Qof Oo Dhimasho & Dhaawan ku Noqday Duqeymo Ka Dhacay...

Inkabadan 40 Qof Oo Dhimasho & Dhaawan ku Noqday Duqeymo Ka Dhacay Wuqooyiga Suuriya.

Duqeyntaan ayaa waxay si gaar ah kaga dhacay qeybo kamid ah magaalada Idlib ee woqooyiga dalka Suuriya, waxa uuna Nidaamka Nuseyriga ah ku beegsaday dad rayid ah oo ku sugnaa halkaas.

Ugu yaraan 5 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen duqeynta, ayna ku dhaawacmeen 35 kale, waxaana ay si gaar ah u beegsatay xaafado iyo suuq ku yaalla magaalada Idlib ee woqooyiga dalka Suuriya.

Maleeshiyaadka Nuseyriyada iyo ciidamo taabacsan ayaaa dhowr gantaal waxay ku garaaceen magaalada Idlib, iyo tuulada Sarmiin ee dhacda bariga Idlib.

Qolyaha difaaca madaniga ah ayaa waxay sheegeen, in burbur baaxad leh uu ka dhashay duqeynta uu nidaamka Nuseyriga ah ka geystay magaalada, waxaana burburay qeybo kamid ah suuqa iyo guryo ay dad rayid ah dagan yihiin.

Marka laga yimaado duqeyntaan, waxay sidoo kale sawaariikhda ay tuureen ciidamada Nuseyriyada ay ku dhaceen degaan kale oo ku yaalla isla magaalada Idlib, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Degaanka Aafis ee dhaca bariga magaalada Idlib ayaa waxaa kusoo dhacay tiro gantaallo ah, waxaana halkaasi ku dhintay haweeney, halka ay ku dhaawacmeen walaasheed iyo hooyadeed.

Kooxaha difaaca Madaniga waxay baahiyeen, sawirro muujinaya iyagoo dhaawacyada iyo haweeneyda dhimatay kasoo saaraya guriga, islamarkaana uqaadaya goobo caafimaad, Sawirrada waxaa sidoo kale ka muuqanaya burbur xooggan oo soo gaaray guriga ay duqeyntu beegsatay, sidoo kale waxay meydad kasoo saarayeen burburka dhismayaasha hoostooda.

Degaan kale oo lagu magacaabo Taqaad oo dhaca baadiyaha magaalada Xalab ayaa lasoo warinayaa iney duqeymo ka geysteen ciidamada nidaamka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad, Ugu yaraan 2 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen duqeyntaan, waxaana uu gantaalku beegsaday xilli ay gaari saarnaayeen.

Nidaamka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad ayaa caan ku ah leynta dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan gudaha dalka Suuriya, waxa uuna marar badan dalkaasi ka geystay duqeymo laayaan ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah.

Sidoo kale diyaaradaha dowladaha Ruushka, Turkiga iyo Mareykanka ayaa iyana dalkaan marar badan waxay ka geysteen duqeymo bahalnimo ah oo ka dhan ah dadka rayid ah, kuwaas oo gallaaftay nolosha kumannaan ruux.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular