Masjid ku yaalla nawaaxiga ex contarol Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacday dhacdo si aad ah loo hadal hayo taasoo ah meyd masjidka la keenay oo la diiday in janaasada lagu tukado.
Masjidka oo lagu magacaabo Waalideyn ayaa waxaa xilligii duhurkii la keenay meydka nin oday ah balse qaar kamid ah dadkii la socday ayaa sheegay inuusan tukan jirin salaada, sidaasina loogu tukan waayay sida ay sheegeen culimada masjidka.
Culimada ayaa sheegay in shareecada islaamka aaney ku bannaanayn in lagu dukado qof taariku salaat ah iyagoo soo qaadanaya adillooyin dhanka diinta islaamka ah.
Sidoo kale culimada ayaa sheegay ineysan iyagu baarin meydka iyo islaamnimadiisa balse ay eheladiisa jamaacada u sheegeen in uusan tukan jirin.