Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inuu fuliyay weeraro loo adeegsaday diyaarado Drone ah oo uu ka geystay wadamada Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo uu ku beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen Maleeshiyaad taabacsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.
Bayaan kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka islamarkaana lagu baahiyay baraha uu Internetka ku leeyahay ayaa lagu faah faahiyay weerarkaan duqeynta ah ee ay ka geysteen wadamada Ciraaq iyo Suuriya.
“Ciidamada Mareykanka ayaa duqeeyay in ka badan 85 hadaf, oo loo adeegsan jiray diyaaradaha Drone-ka ah iyo gantaallada ridada dheer ee lagu beegsado Mareykanka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka.
In ka badan 120 gantaal ayaa lagu riday ahdaafta uu sheegay inuu Mareykanku beegsaday, kuwaas oo ay shaaciyeen iney ku sugnaayeen hogaamiyayaal Shiico ah, xarumo sirdoon, keyadka diyaaradaha Drones-ka ah, iyo keydad hub ah.
Saraakiil katirsan dowladda Mareykanka oo la hadlay saxaafadda ayaa kol sii horreysay shaaca ka qaaday, in xukuumadda Washington ay billawday fulinta weeraro aargoosi ah oo ay ka geysaneyso wadamada Ciraaq iyo Suuriya, kadib weerarkii lagu laayay ciidamada Americanka ah ee ka dhacay dalka Urdun, kaas oo lagu dilay 3 askari oo American ah, laguna dhaawacay ku dhawaad 40 askari.
Tobannaan fariisimo ah oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka taabacsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan oo ku yaalla dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayay saraakiishaan Americanka ah sheegeen in la beegsaday.
Xukuumadda Shiicada ah ee dalka Ciraaq ayaa si’aad ah udhaleeceysay weeraradaan cusub ee ay diyaaradaha Mareykanka ka geysteen gudaha dalkeeda, kuwaas oo uu Mareykanku shaaciyay inuu ku beegsaday maleeshiyaad gacan saar la leh nidaamka Shiiciga ah ee ka arrimiya dalka Iiraan.
Dhankeeda xukuumadda Washington ayaa ka hashay dhaleeceynta kasoo yeertay Ciraaq, Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaana war uu soo saaray ku sheegey, in xukuumadda Baqdaad ay ku wargaliyeen fulinta weerarka.
Xiisadda ka taagan Mandiqadda loogu yeero bariga dhexe ayaa umuuqata mid circa isku sii shareereysa, tan iyo wixii ka dambeeyay amrkii maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay xeebaha Badda Cask u beegsadeen Maraakiib u rarneyd maamulka Yahuudda, taas oo sababtay in Mareykanka uu ku dhaqaaqo isbaheysi ka dhan ah kooxdaan oo ka howlgalaya biyaha Badda Cas.
Tan iyo bishii October ee lasoo dhaafay waxaa saldhigyada ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin dalalka Ciraaq iyo Suuriya lagu qaaday in ka badan 165 weerar, kuwaas oo geystay khasaare naf iyo maalba leh, weerarkii dhawaan ka dhacay dalka Urdun ee lagu dilay askarta Americanka ah ayaana dhaliyay caro xooggan oo ay xukuumadda Washington ka qaaday weerarkaas.