HomeAll newsKu Dhawaad 30 Askar oo Lagu Dilay Weeraro ka Dhacay Dalalka Maali,...

Ku Dhawaad 30 Askar oo Lagu Dilay Weeraro ka Dhacay Dalalka Maali, Burkinafaso & Nigeria.

Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ayaa mar kale fuliyay weeraro khasaare badan dhaliyay oo ay ku beegsadeen askarta xukuumadaha Nigeria Burkinafaso iyo Maleeshiyaadka Murtazaqada Fagnar ee Ruushku taba bartay.

Weeraradaan oo isugu jira kuwa xasmin ah iyo kamaa’in ayaa waxay Mujaahidiintu ku dileen ku dhawaad 30 askari oo ka kala tirsana ciidada aan kor kusoo xusnay.

Haddii aan ku horreyno dalka Burkinafaso, waxay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin weerar Iqtixaam ah ku qaadeen fariisin ay askarta xukuumadda dalkaasi ku leeyihiin degaan katirsan wilaayada Tangadogo.

Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta oo ay baahisay Mu’assasada Az-Zallaaqah ayaa lagu sheegay in weerarkaan ay Mujaahidiinta ku dileen ugu yaraan 12 askari oo katirsan xukuumadda Burkinafaso.

Waxaa intaa dheer oo ay Mujaahidiintu weerarkaan kusoo furteen 10 qori oo AK-47 ah, iyo agabyo kale oo Mellatari, Mu’assasada Az-Zallaaqah ayaana baahisay sawirrada weerarkaan.

Isla dalka Burkinafaso waxaa ka dhacay weerar kale oo khasaare culus lagu gaarsiiyay askarta xukuumadda Burkinafaso, kaas oo lagu dilay in ka badan 10 askari.

Weerarkaan oo ahaa mid toos ah ayaa waxay Mujaahidiinta askarta xukuumadda Burkinafaso kula beegsadeen degaan katirsan wilaayada Faadangooma ee gudaha dalka Burkinafaso.

Waxay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin xaqiijiyeen in weerarkaan lagu dilaay ugu uyaraan 15 askari oo katirsan xukuumadda Burkinafaso.

Waxaa intaa dheer oo ay Mujaahidiinta weerarkaan kusoo furteen 11 qori oo AK-47 ah, 2-BKM ah, 1 Qori oo RPG ah, 11 Mooto, iyo agabyo kale oo mellatari.

Marka laga yimaado dalka Burkinafasp, waxay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin weerar ku qaadeen askar katirsan xukuumadda Nigeria, waxaana weerarkaan ka dhashay khasaare nafeed.

Guutooyin katirsan Mujaahidiinta ayaa weerar ku qaaday bar koontarool oo ay ku sugnaaayeen askar katirsan xukuumadda Nigeria oo ku taalla Mandiqad katirsan wilaayada Dosa.

Hal askari oo kamid ah ciidankii ku sugnaa koontaroolka ayaa lagu dilay weerarka, halka ay Mujaahidiintu soo furteen 5 qori oo AK-47 ah, iyo agabyo mellatari oo kala duwan.

Dalka Maali waxaa isana ka dhacay weerar qarax ah oo ay Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin la beegsadeen Maleeshiyaad katirsan Murtazaqada Fagnar ee Ruushku taba bartay.

Qarax aad u xooggan ayaa haleelay qaar kamid ah mootooyinkii ay wateen maleeshiyaadka Muratazqada Fagnar, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Labo kamid ah mootooyinka ay wateen Murtazaqada Fagnar ayaa lagu burburiyay qaraxyada, waxaana ku dhintay qaar kamid ah askartii saarneyd.

Mujaahidiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee Jihaada Mandiqadda Saraxaha iyo Saaxilka Africa ayaa sii kordhiyay weerarada ay ka geysanayaaan gobalka, iyagoona howlgalladooda ku ballaariyay wadamo dhowr ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular